Raisul wasaarihii hore ee DKMG Farmaajo iyo wakiilka QM Somalia Mahiga oo hadalo kulul warbaahinta isku dhaafsaday

Raisul wasaarihii hore ee xukuumada KMG Somalia taageerada buuxdana ka helay shacabka ku ku dhaqan gudaha iyo dibeda dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wakiilka QM u qaabilsan arimaha Somalia Danjire Mahiga ayaa warbaahinta isi mariyey hadalo kulul iyo jawaabo.

Arintan ayaa bilaabatay markii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga uu RW hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu ka dambeeyo muranka iyo khilaafka loo maaro waayey ee ka dhex taagan Baarlamaanka KMG Somalia taasoo Mahiga uu sheegay in Farmaajo uu uga gol leeyahay inuu ku soo laabto Masraxa Siyaasada Soomaalia, isagoo xusay in arintaas ay cadeyn u tahay kulamada uu ka wado qaar ka mid ah wadamada Yurub.

Ra’isul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga jawaabay eedeeyntaas wuxuuna sheegay in warkaasi uusan waxba ka jirin, wuxuuna xusay in Mahiga uu ka gudbay howshii loo xilsaaray, isla markaasna ka Farmaajo ahaan uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee tanaasulay, taasina ay cadeynayso inuusan lug ku laheyn khilaafka Baarlamaanka ka dhex aloosan.

“Markii aan anigu xilka qabanayey Mahiga waxaa loogu tagi jiray Garoonka dayaaradaha ee Muqdisho isagoo ka baqayey inuu xarumaheena yimaado, waxaana u sheegay in shaqadiisu aysan sidaasi aheyn, loona baahanyahay inuu xafiisyada dowladda KMG yimaado, madaxdana uu xafiiskooda kula kulmo” ayuu yiri Farmaajo oo intaasi ku daray in Mahiga uusan hadda dhexdhexaad ka aheyn waxa ka dhacay Soomaaliya.

“Fasax uga qaadan-maayo Mahiga marka aan doonayo inaan dib ugu soo laabto siyaasadda, hadalkiisii ahaana dowlad dhexe oo Soomaali ka dhalata looma baahna waxa uu cadeyn u yahay sida uusan u dooneynin in Soomaaliya ay hesho kala dambeyn iyo xasilooni” ayuu yiri Ra’isul wasaare Farmaajo oo hadalkiisan dambe kaga jawaabayey hadal uu sheegay Mahiga oo ahaa in dhibaatooyin ay geystay dowladii dhexe ee dalku lahaan jiray ay sababeen xaalada murugsan ee dalka dowlad noocaas ah oo kale ahna aan loo baahneyn.

FARMAAJO : Mahiga Shaqadii Loosoo Idmaday Ayuu Ka Dheereeyey Wuuna Ku Fashilmay Hawshiisa (Halkan Ka Dhagayso Waraysi Culus Oo uu Siiyey Idaacadda VOA-da)

FARMAAJO : Mahiga Shaqadii Loosoo Idmaday Ayuu Ka Dheereeyey Wuuna Ku Fashilmay Hawshiisa (R/wasaarihii Ugu Shacbiyadda Badnaa Somalia Oo Jawaab-celin Kulul Siinaya Danjire Mahiga Oo Sheegay In Farmaajo uu Masuul Ka Yahay Muranka Mudanayaasha Baarlamanka.

Moment Media Group – Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkan Soomaaliya oo isaga oo kusugan Natherland waraysi siiyay VOA ayaa kasoo horjeestay fikirka uqaabilsanaha Soomaaliya ee QM ee ahaa in la iska dhaafo dowladda dhaxe ee uu yeesho dalkan Soomaaliya taasi oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeysay kala qobqobka haatan uu dalka ku jira.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in ay ka timaaday dhibaatada haatan soomaaliya haysata Dowladii dhaxe ee uu mar dalkan lahaa. 
 
Farmaajo, Ra’iisulwasaarehii hore ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu jawaabay isagoona sheegay in fikirkaasi uusan ahayn mid sax ah waxaana uu intaa ku daray in loo baahan yahay dowlada Dhaxe. 
 
Mar wax laga weydiiyay Maxamed Cabdulahi farmaajo eedeeyn uu u soo jeediyay Ergayga gaar ah ee QM arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku aadanayd in Shaqsiyan uu ka dambeeyo Muranka ka dhex taagan Baarlamaanka KMG Soomaaliya taasi oo uu ugu gol lee yahay in uu ku soo laabto Masraxa Siyaasada Soomaaliyeed ayuu eedeeyntaasi waxa uu ku tilmaamay mid muujinaya Mahiga inuu ka dheereeyay waxyaabihii ay usoo idmatay QM oo ahaa inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya loogu heli lahaa nabad waarta hase ahaatee uu ku fashilmay arintaasi. 
 
Su’aalaha la weydiiyay oo ahaa kuwa dhinacyo badan taabanayay ayaa Ra’iisulwasaarihii hore ee waxa la weydiiyay halka uu ka taagan Shirarkii  ka kala dhacay magaalooyinka Garoowe iyo London kuwaasi oo lagu sheegay in ay ka qeybgaleyn dhinacyada Soomaalida, Shirarkaasi iyo qodobadii kasoo baxayba ayuu ku tilmaamay  farmaajo kuwa Guul u ahaa Soomaalida. 
 
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo waraysi Siiyay Wakalaada SomaliaReport ayuu eedeyn kala dul dhacay Ra’iisulwasaarihii hore ee Maxamed C/laahi Farmaajo isagoona eedeyntiisa u soo xiganayay in Farmaajo uu ka dambeeyo Khilaafka Baarlamaanka oo uu ku sheegay mid uu wado uga dhiganayo kusoo laabashada siyaasada Soomaaliya.

 

Posted on March 3, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: