FAALLO: Ceelka Shidaalka ee Puntland;- Ma Hanti Qaran, mise Dhaxal-beeleed ?

10.03.2012 – Dareenno kala duwan ayaa laga bixinaya Qorshaha Ceelasha Shidaalka ee laga qodayo Dooxadda Daroor ee duleedka magaalladda Bosaaso ee W/bari ee dalka Somalia, oo uu haatan ka arrimiyo Maamul-gobaleedka Puntland. Qoditaanka Ceel Shidaal ugub kuma ah dalka Somalia, waxaana la og yahay inay Dowladdii Kacaanka ay hawshaasi bilowday, balse uusan hanaqaadin, kadib, markii ay mowjaddo dagaallo sokeeye iyo fowdo siyaasadeed ku dhufteen dalka Somalia.

Shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay CONOCO ayaa waxay qalab fara badan kaga carareen Goballadda W/bari ee dalka Somalia, kadib, markii ay Dowladii Dhexe ee Somalia burburtay bilowgii sannadkii 1991-kii.

Haddaba, markaynu eegno Qorshaha Maamulka Puntland ee Ceelasha Shidaalka, waxaa isweydiin mudan Awood Sharciyeed iyo Fulin Shaqo Shidaal baaris ma u leeyihiin Maamulka Puntland ee uu Madaxweyne C/raxmaan Farroole?

Sida ay Sharci-yaqaanadda ku takhasusay Sharciga Caalamiga iyo Nidaamka Dowladnimadda, waxay far ku godayaan inaysan garawshiyo lahayn Tallabadda uu Maamulka Farroole kula galay Heshiiska Shirkadaha haatan hawsha bilowday.

Sharci-yaqaanadda waxay tilmaameen in Awoodda Hawlgalkaasi yahay mid lagu fulin karo Dakareeto Dowladda, si ay xalaal u noqoto arrintaasi.

Haddaba, waxaa hubaal inay DFKMGS tahay midda awoodda u leh ansixinta Hawl kasta oo ay ku jirto Danaha Qaranka.

Tallaabadda uu Maamulka Puntland ku fulinayo Go’aanka Qaran ayaa lagu nisbeyn karaa inay ka dhalatay iyadoo uu Maamulkaasi ka faa’ideysanayo Fowdada dhinaca Maamulka iyo Siyaasadda ee ka jirta guud ahaan Qaranka Somalia.

Habacsanaanta Maamulka DFKMGS ayaa iyadana irridaha u furtay inuu Maamulka Puntland loolan la galo Dowladda Dhexe, taasi oo Madaxweynaha Maamulka Puntland ku dhiiri-gelisay inuu Isbaaro Siyaasadeed u dhigto Hanaqaadka Dowladda Federalka, iyadoo ay Dowladdo iyo ubno ka tirsan Beesha Caalamka ku taageersan yihiin Qalaanqalka Siyaasadda ee Madaxweyne Farroole ku haya Hanaqaadka Dowladda.

Gorgortan Siyaasadeed iyo Il-duufsiga Maamulka Puntland ayaa haatan noqotay Hadal-haynta Guud ee Bulshadda Soomaaliyeed, iyadoo horey Maamulka Puntland lagu dhaliilsanaa Takoorka iyo Barakicinta ay u geysteen Kumanaan Soomaalida Reer Koonfurta, oo horey ugu sugnaaGoballadda W/bari.

Barakicintaasi Khasabka ah ayuu Maamulkaasi sabab uga dhigay Amni-darri iyo dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah Goballadda uu Maamulka Farroole ka arrimiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Maxaa laga dhaxli doonaa haddii ay Maamulka Puntland iskooda u meel-mariyaan Mashruuca Saddexda Ceelasha Shidaalka looga qodayo Dooxadda Darroor ee duleedka Bosaaso?

Waddaniyiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaalinimadda ku dheer tahay ayaa farta ku go’day Qorshahaasi, iyagoo xusay inay taasi khatar ku noqon doono Midnimadda Qaranka iyo Wada Noolaashaha Beelaha ku wada nool Goballadda uu Maamulka Puntland ka arrimiyo.

Xubnahaasi Waddaniyiinta, ayaa ku eedeynayo inay DFKMGS ku degdegtay Tanaasulka ay xubno ka tirsan ay ku oggolaadeen meel-marinta uu Maamulkaasi ku fulinayo Mashruucaasi.

DFKMGS ayaa lagu dhaliili karaa inay ku il-duuftay go’aankaasi, iyadoo la qiri karo inaysan Xilligan munaasib ku ahayn Fulinta Mashruucaasi, maadaama aysan Dowladda Federalka dhamaystirin Haykalka iyo Awoodaha kala xadidiayo Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda iyo Qaabka Mustaqbalka looga faa’ideysanayo Mashaariicda Guud ee Qaranka.

Khubarradda ayaa rumeysan inuu Maamulka Puntland haatan ka faa’ideysnayo Tabar-darrida Dowladda Federalka iyo Xilliga Kala Guurka ee haatan la guda-galayo.

Si kastaba ha ahaatee, haddii aysan DFKMGS ka baaraan-degin khatarta ka dhalan karta Ceel-qodista Puntland, waxay taasi horseedi doontaa Puntland oo ku dhiirata inay Jamhuuriyadda Somalia ka go’do iyo in gondaha lala galo Colaaddo kale oo salka ku haya Sed-bursi ay Puntland ka keento manaafacaadsiga Kheyraadka Shidaalka ee Darroor.

Haddaan laga hortegin Khatarta uu Maamulka Puntland maleegayo waxa madaxa lala geli doonaa Xilli Colaadeed ka sii daran Dagaalladda Sokeeye iyo Kuwa Diimeed ee khasaaraha baday dadka iyo dalka Somalia.

Posted on March 10, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. Wiilka Madaxweynaha Punland oo dubay qarash badan ugu soo diray qurba jooga ku nool wadamada Yurub si ay u booqdaan goobaha shidaalka laga qoday ee ku yaalo gobolka Bari

    Durbaba waxaa soo baxeysa in madaxda ciyaalkooda in ay siday doonaan ugu tagri falaan awooda siyaasada iyo dhaqaalaha canshuurta looga soo aruuriyo shacabka Puntland waxaana cajiib wiilka uu dhalay madaxweynaha Punland Cabdiraxan faroole oo lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxaan Faroole u lacago badan u soo shuba qurba joog ku nool magaalada Londan ee dalka Ingariiska kuwaas oo si dhoolu tus ah loogu soo tusi doono goobaha laga qodaayo Shidaalka ee ku yaalo deegaanka puntland.

    Wiilkana uu dhalay Faroole oo ah gacanta Midig ee aabahiis ayaa masuul looga dhigay qeyraadka ka soo baxayo gobolkaas in uu isagu mareeyo waxaana arinkaas uu sameynaayo wiilkaas aad uga carooday masuuliyiin ka tirsan deegaanaad Puntland kuwaa oo u arko maamul ka dhaxeeyo wiil iyo abahiis halka ay maamulka lahaan la hayeen shacabka.

    Dadkaan ka baxayo Londan oo tira ahaantooda badan ayaa waxaa qarashaka ku baxayo qabo wiilka Faroole macaa deegaankooda inta ay ku sugan yihiin halkaas .

    Macada u jeedka ka danbeeyo dadkaan loo geeynayo meel shidaal laga raadinayo oo wali si fiican u dhan dhan san shacabkii loogu tala galay in ay uga baxaan faqri waxaana la leyahay dadkaan baxayo ah kuwa intabadan ka soo jeedo deeganaka Puntland kuwaa oo dacaaya looga dhigayo tagidooda madaama ay ku jiraan abwaano waaweyn oo siweyn looga yaqaano dalka Soomalaiya.

    Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa Dubay ku sugan oo qarashka soo shubaayo lagu tagay deegaanada Punland si ay u booqdaan goobaha laga qodayo shidaalka waxaana la yaab ah hadii reer Faroole noqden madaxweynahii dalka hadana ku darsadeen madaxda qeyraadka dalka maxaa u soo hari doono shacabka reer Punlnad oo muda 16 sano ku jiray dagaal ay uga soo horjedaan koonfurta Soomaaliya siday uga xuroobi la hayeen.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: