Midowga Afrika oo shaaciyey xiliga ay ciidamada AMISOM lagu wareejinayo magaaloyinka Beled-weyne iyo baydhabo

10.03.2012 (Moment Media) – Midowga afrika ayaa sheegay in ciidamada itoobiya ee ku sugan magaalooyinka B/weyne iyo Baydhabo ee gobolada Hiiraan iyo Bay ay ka baxayaan waqti cayiman, kaasoo ay ku sheegeen dhamaadka bisha April ee sanadkan 2012-ka. Qoraal uu Midowga afrika ka soo saaray magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada itoobiya ee haatan ku sugan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay la baxayaan, laguna bedeli doono ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ugandha iyo Burundi, wuxuuna warku intaasi ku daray in si deg deg ah loo diyaarin doono ciidamadii bedeli lahaa kuwa Itoobiya.

Midowga afrika ma sheegin in ciidamada Itoobiya ay hadda ku ekaan doonaan goobaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya iyo inay inta ka hartay waqtigaasi tagayaan goobo ka baxsan kuwa ay hadda joogaan.

Ciidamada itoobiya ee soo galay gudaha Soomaaliya ayaa dagaalo waxay la galeen ciidamada Xarakada Al-shabaab, iyadoo goobaha ay kaga sugan yihin Soomaaliya ay kala kulmaan weeraro kala duwan oo uga imaanaya dhanka ciidamada Xarakada al-shabaab, waxaana inta badan marka la weeraro ay xirxiraan dad rayid ah, iyagoo diida isu socodka gaadiidka iyo dadka intaba.

Posted on March 10, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: