Xildhibaan Mowliid Macaane “ Dowlada KMG waa iskaashato badan”

10.03.2012 (Moment Media ) – Xildhibaan Mowliid Macaane “ Dowlada KMG waa iskaashato badan, marka waxaan oran lahaa ninkan sheeganayo in uu yahay safiirka Darasalaam hadana raba in uu Noqdo safiirka Kenya, aad ayaad u damac badan tahay, ee iska iloow damaca safaarada somaliya ee Kenya…

Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka KMG ayaa ka hadlay Xaalada Soomaaliya hadalkii ka soo yeeray Ergayga Q.midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga iyo Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ee sheegaya in safiirka Soomaaliya u fadhiya Daarasalaam uu Wasaarada arimaha dibada Kenya uu tagay.

Macaane ayaa sheegay in ay arintaas ka mid tahay Dowlad la’aanta haysata Soomaaliya, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay Pratakool xumada halkaas ka dhacday, in safiir u fadhiya dal kale Soomaaliya uu yimaado Safiir dal uga Wakiil ah dal kale, hadana uu tago Wasaarada arimaha dibada Dalkaas, waxa uu ku tilmaamay in ay tahay jaantaa Rogan.

“ hadalkiii ka soo yeeray Mahiga ee ahaa in alla sheikh ay haysato Villa Soomaaliya, mala yaabin, horta hala ogaado Mahiga waa shaqaale u shaqeeya Soomaaliya, marka adiga nin kuu shaqeeya in uu ku caayo, waxay ka mid tahay waxyaabaha laga ducaysto, marka sidaas ayaan oranayaa”ayuu si kulul u yiri macaane.

“ Mar hore ayay ahayd markaan iri Mahiga hala iska qabto, waxaana u sheegayaa haduu dano gaar ah ku gaaray shaqadii uu noo qaban jiray, ha iska baxo shaqaale kale waan helaynaa”ayuu markale yiri Xildhibaan mowliid macaane.

“ waxaa soo baxayay in safaarada somaliya Kenya ee uu safiirka ka yahay Danjire Maxamed Cali amerika, uu u hanqaltaagayo safiir la sheegay in uu joogo Darasalaam, waxaan oran karaa waa Maseer arintaas, oo ah muxuu Cali amerika shaqada u qabtaa, muxuu ugu tagaa Qaxootiga oo uu fadhigooda ugu tagaa, Muxuu gargaar u geeya Xerooyinka Qaxootiga, Muxuu Hay’adaha caalamiga ula xisaabtamaa, marka Maseer waa caado ay leedahay Soomaaliya, waxaana leeyahay ninkaas la sheegayo in uu safiir ka yahay Darasalaam, iska laabo meeshaan waxba kama qaban kartid”ayuu markale yiri Mowliid macaane.

“ waxaan rabnaa in mooshin aan gayno Baarlamaanka si loola xisaabtamo safiirada kii dalka wax u qabtay iyo kii kale, marka nin Qabiil lagu soo magacaabay iyo kii Reer hebel lagu keenay si aan meesha uga saarno”ayuu markale yiri macaane oo Waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Boga.

“ Waxaan leeyahay Somalida Kenya joogto ma halayso qof uga fiican Cali amerika, habarta Yaanyada ku gadaysa Xaafada islii, Wiilka Soomaaliga ee jooga dhadhaab, waxa ay wada leeyihiin safaarada Soomaaliya ee Kenya ee uu Danjiraha ka yahay Cali amerika, ayaa na garab taagan, marka Dowlada KMG kama yeelayno in ay indhaha ka rido kumamaanka kun ee jooga Kenya”ayuu markale yiri Xildhibaan mowliid Macaane.

“ waxaan maqlayay nin sheegtay in uu yahay Boqorka Jareer Wayne, waa yaab ha yiraah Boqorka makane ayaan ahay, laakiin qabiilo Boqor ma yeeshaan, marka waxaan leeyahay aqoon darada ninkaas heesata waayaab’ayuu markale yiri macaane.

Sidoo kale xildhibaan mowliid Macaane maxamuud ayaa ku tilmaamay safiirka Soomaaliya u fadhiya Daarasalaam qof soo lumay, asaga oo sheegay in Soomaaliya caado u leedahay marka ay dhacayso Xukuumad in dadka ay qaataan hantida dalka, taas oo uu ku macneeyay Rayiga Safiirka Soomaaliya u fadhiya Darasalaam.

Waxa uu sheegay macaane in dalka Soomaaliya aysan ka jirin Dowlad aqoon leh, waxa uuna sheegay in sharciga dhigaya in dalka ay mar kaliya ka baxaan Madaxweyne Raisal Wasaare Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirada Difaaca, dibada iyo Gudaha iyo amniga ay qabaan sharciyada u dagsan Madaxweyhana Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raisal Wasaaraha, balse waxa uu sheegay in aysan jirin dastuur arintaas sheegaya.

Macaane ayaa ku tilmaamay shirkii London mid muhiim u ahaa soomaaliya, waxa uuna sheegay in Dowlada iskaashato badan ay muujisay in aysan Soomaaliya lahayd Dowlada, maadaama hay’adihii Wadanka sharciga ahaa in aysan kawada bixin ay iska Xaadiriyeen shirkaas.

Posted on March 10, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: