DKMG Soomaaliya oo Goordhow Maamul Heer Gobol u Magacawday Gobolka Hiiraan

Madaxweynihii Dooxada Shabeelle C/fataax Xasan Afrax oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan

Axad, Maarso 11, 2012 (Moment Media) —Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maanta oo Sabti ah maamul cusub oo uu yeelanayo gobollka Hiiraan, kadib la tashiyo maalmihii ugu danbeeyay mas’uuliyiinta sare ee dowladda ay la lahaayeen xildhibaanno iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollka Hiiraan.

Munaasabad lagu qabtay xarunta sida ku-meelgaar ah ay hadda ugu sii shaqeyso wasaarrada arrimaha gudaha ayaa looga dhawaaqay in uu noqdo guddoomiyaha gobollka Hiiraan madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle C/fitaax Xassan Afrax.

Goobta looga dhawaaqay maamulka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumada KMG oo ku mid ahaa wasiirru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha, xildhibaanno, waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobollka Hiiraan.

Sida uu HOL u sheegay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb-galay munaasabada, waxaa goobta laga aqriyay wareegto uu ku saxiixnaa madaxweynaha dowladda KMG Shariif Shiikh Axmed taasoo lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobollka Hiiraan.

C/fitaax Xassan Afrax oo la hadllay HOL ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo magacaabista madaxweyne Shariif, islamarkaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan u gudan doono waajibadkiisa shaqo.

Marka laga soo tago guddoomiyaha gobollka sidoo kale waxaa lagu dhawaaqay ilaa Afar guddoomiye ku-xigeen, iyo waliba guddoomiyaha degmada oo loo magacaabay Cismaan Barre Max’ed.

Maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Dooxada Shabeelle C/fitaax Xassan Afrax oo maanta loo magacaabay guddoomiyaha gobollka Hiiraan, iyaga oo halkaa wada hadalo kula lahaa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG.

31-kii bishii Decembar ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Dooxada Shabeelle oo wadajira kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Beledweyne xoogagii Al-shabaab ee mudada dheer ka ariminayay, laakiin wixii waqtigii ka danbeeyay waxaa jiray sheegashooyin kala duwan iyo is qab qabsi ka taagnaa dhinaca maamulka, waxaana muuqata ugu danbeytii in maanta la soo afjaray arintaa iyada ah.

Warka oo dhameystiran Halkaan ka dhageesoMaamul loo Magacaabay-Gobolka-Hiiraan

Moment Media Group

Posted on March 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: