Warar ku saabsan masuuliyiin ka tirsan Q/Midoobay oo kulamo xasaasi ah la qaatay labada garab ee baarlamanka Somalia

MONDAY, MARCH 13, 2012 – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda haya’dda UNDP ee Qaramada Midoobay, kuwaasoo kulamo gooni gooni ah la yeeshay labada garab ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya u kala qeybsanyahay, waxaana la sheegay in kulamadaasi oo saacado socday su’aalo lagu weydiiyey dhina uu hogmiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Sida warku sheegayo xubnihii uu hogaaminayey Madoobe Nuunow ayaa la weydiiyey sida ay u arkaan qorshaha Road Map-ka iyo waqtiga ay ugu egtahay dowladda KMG oo ku eg bisha August ee soo socota, waxaana la sheegay inay kaga jawaabeen su’aalahaasi inay ogolyihiin qorshaha Road Map-ka, balse loo baahanyahay in Baarlamaanka laga ansixiyo oo la horkeeno, hase ahaatee Xukuumaddu Gaas ay ka biyo diiday inay Baarlamaanka horkeento qorshaha Road Map-ka iyo dhammaan qodobadii ka soo baxay shirarkii ay gashay.

Sidoo kale Xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow ayaa sheegay inay ogyihiin in dowladda KMG waqtigeedu uu ku egyahay bisha August ee socota, laakiin qorshayaashii looga gudbayey aan ilaa hadda Baarlamaanka lala soo socodsiin, iyadoo ku eedeeyay Xukuumadda inay iska wataan qorshe uusan Baarlamaanka waxba kala socon, isla markaasna uusan ansixin.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Guddoomiye Madoobe Nuunow iyo xubnihii la socday waxaa laga saxiixay inay ogolyihiin qorshaha Road Map-ka iyo dhamaadka amaba xilliga uu ku egyahay jiritaanka dowladda KMG, kuwaas oo ay saxiixeen, lamana oga tallaabada ay qaadan doonaan wafdiga UNDP-da ee la kulmay xubno ka socday Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dhinaca kale Xildhibaano uu hogaaminayey Shariif Xasan oo iyaguna wafdiga kulan la yeeshay ayaan la sheegin waxa ay kala hadleen wafdiga, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inay kala hadleen mushaar siinta xildhibaanada oo ay hay’addu joojisy markii khilaafka uu soo kala dhexgalay Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Waa markii labaad oo ay Xildhibaanada taageersan Madoobe Nuunow ay la kulmaan wafdi ka socday Qaramada Midoobay, waxaana kulankii hore uu garoonka diyaaradaha ku dhexmaray ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xildhibaano uu hogaaminayey Guddoomiye Madoobe Nuunow Maxamed, kaas oo looga hadlay isla qodobadan kor ku xusan.

Posted on March 13, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: