Baarlamaanka KMG oo Shaaciyey inay Xilkii ka Qaadeen Madaxweyne Shariif Ayna Dooranayaan Madaxweyne Cusub 30-ka April (War Saxaafadeed)

Muqdisho March 18, 2012 –  Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saareen oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyey Shabakada Raxanreeb waxay ku sheegeen in baarlamaanka uu go’aansaday in soddonka bisha April uu soo doorto Madaxweyne cusub, ka dib markii uu Baarlamaanka 22-kii Febraayo 2012 uu xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanada Baarlamaanka waxay warqadooda ku sheegeen in go’aansadeen in maadaama xilka ay ka qaadeen Shariif Sheekh Axmed, inay soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, oo ay soo dooranayaan 30-ka bisha April 2012.

Dhanka kale Madoobe Nuunow Maxamed oo ah afhayeenka ay baarlamaanka doorteen 4-tii Janaayo oo galabta Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in qorshaha baarlamaanka aanu waxba iska bedeli doonin ayna wadi doonaan samatabixinta dalka, sida uu yiri.

Ka hor doorashada madaxweynaha,wuxuu Madoobe Nuunow sheegay inay dib u habeyn ku sameyn doonaan baarlamaanka.

Madoobe Nuunow wuxuu ugu yeeray dhamaan muwaadiniinta rabta inay xilka madaxweynaha qabtaan inay isa soo sharaxaan isagoo beesha caalamkana ka codsaday in loo hogaansamo go’aanka aqlabiyada baarlamaanka.

War saxaafadeedkii baarlamaanka oo uu ku saxiixan yahay Madoobe Nuunow halkaan hoose ka akhriso.

 

Posted on March 18, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: