Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo si weyn loogu soo dhoweeyay Holland (Sawirro)

18.03.2012 (PenMoment) Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna soo dhoweynayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay Hotel Green Park ee magaalada Den Haag, waxaana munaasabadan ay aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Nederland.

Xubno isugu jiray qeybaha bulshada ayaa kasoo qeybgalay xafladani, waxaana khudbado soo dhoweyn ah kasoo jeediyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo lagu casuumay xafladani, kuwaasi oo ku dheeraaday iney ka hadlaan waxqabadka Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Eng. Guuleed Axmed Yuusuf oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Nederland ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay waxqabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo dadaalka ay u gashay sidii nolol wanaagsan u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xerooyinka qaxootiga Kenya, wuxuuna tilmaamay in shaqsiyan isagu uu safiirka ugu tegay Kenya uuna ka marqaati kacayo waxyaabihii uu qabtay in ay noqdaan dhaxal lagu xusuusan doono.

Eng. Guuleed ayaa meesha ku soo bandhigay filim ka tarjumaya shaqooyinkii uu qabtay Ambassador Ameeriko kaasoo muujinayay sida Safiirka u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xerooyinka qaxootiga Kenya.

“Markaan arkay inuu dadkaas dhibaateysan ag joogo waxaan u gartay wax kasta oo uu i weydiiyo inaan iraahdo OK, xaqa & waxyaabaha uu sameeyeyna ku garab istaago, siyaasi ma ahan waa amb, safaaradaha ayuu u baryaa dadkaan si wax loo gaarsiiyo oo uu yiraa taga meesha” ayuu yiri Eng. Guuleed, wuxuuna intaa ku daray inuu xushmad gaar ah u hayo qof kasta oo wax u qabta caruurta & hooyooyinka.

“Meel aan aadno ma jirto haddii uu isbitaal ku jiro rag baa igu yiri oo xoog leh, iga aqoon & karti badan, haddii aan ninkaas weyno dhibaato weyn ayaa noo imaaneyso” ayuu yiri Eng. Guuleed wuxuuna kaga dhawaaqay madasha sanduuq loogu talogalay in dadka danyarta ah lagu taakuuleeyo, sanduuqaasoo loo bixiyey “Mohamed Ali Ameriko foundation”

“Ninkaan Madaxweynenimo uma socdo 100%, ilaa ilmahaas agoonta ah ay wax barasho helaan, nolol na helaan, mana jirto qof sidaas wax u qabtay” ayuu yiri Guuleed.

Axmed Warsame oo ka tirsan mas’uuliyiinta Safaaradda Biljamka ee Soomaaliya ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna ka hadlay waxqabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, isagoo sheegay in wax muuqda ay shacabka Soomaaliyeed u qabatay Safaaradda Kenya tan iyo markii la magacaabay Ameeriko, sidoo kale xubnihii ka hadlay meesha waxaa ka mid ah Salaado Cali Maalin oo ku hadleysay magaca Haweenka Soomaaliyeed ee Holland ku nool & Dr. Max’ed Muuse oo madax ka ah Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Denhaag.

Maxamed Roberto oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee mudada ku nool dalka Talyaaniga kana howlgala Tv-ga dalkaasi ee Rai ayaa u mahad celiyay Safiirka, wuxuuna ku booriyay in uu howsha uu u haayo shacabka Soomaaliyeed sii labo jibaaro.uu ugu baaqayo madaxda dowladda ee isugu jira madaxweynaha, R/wasaaraha & Guddoomiyaha baarlamaanka isagoo ku hadlaya magaca Soomaalida Holland in Ameriko waxqabadkiisa ay Soomaali oo idil maqsuud ka wada tahay, laguna wada ixtiraamo inuu waajibaadkiisa sii wato.

Max’ed Sandiir oo ka mid ah mas’uuliyiintii safaaradda Soomaalida Kenya, kana mid ahaa dadkii safiirka ku soo dhoweeyey wadanka Holland ayaa sheegay in ay tahay wax wanaagsan in qof kasta lagu ammaano wixii uu bulshadda u qabtay, taasoo buu yiri ah cashar wanaagsan oo ay Soomaalidu baraneyso.
“Xilka waxaa qofka laga qaadaa marka uu waajibaadkiisa ku filnaan waayo, laakiin xil ka qaadista Ameriko oo anigu aan aaminsanahay in ay tahay wax aan dhici karin, waxaan leeyahay haddii uu jiro mid ka mid ah madaxda dowladda oo fikirkaasi qaba intaadan falin ka fiirso” ayuu yiri Max’ed Sandiir

Dahir Cabdulle Calasow oo ka mid ahaa Wariyeyaashii kasoo qeybgalay kulankani ayaa dhankiisa sheegay in aan wax hal maalin looga sheekeyn karo aheyn waxqabadka Safiir Ameeriko, cidkastana waxa ay shacabkeedka wax tarta ay taariikhda xusi doonto.

Daahir Cabdulle wuxuu sheegay in waxqbadka Ameriko uu la mid yahay dayax 15-aad ah oo aaney calaacali qarin karin, wuxuuna sheegay in marka la qiimeeyo xubnaha ku jira dowladda Soomaaliya inuu noqonayo qofka ugu howlkarsan.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa u mahad celiyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee juhdiga geliyay casuumadda iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen, wuxuuna ugu warbixiyay howlaha Safaaradda Soomaaliya ay u qabato guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Wixii aan qabtay waajibkeyga un bey aheyd, waana tan leygu soo magacaabay inaan wax taro shacabkeyga” ayuu yiri Ambassadorka oo ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo horumarka ay Dowladda KMG ku tallaabsatay, taasoo u sabab ugu dhigay shirarka dib u heshiisiinta ee ka dhacay gudaha dalka.

“Shirarkii wadanka gudihiisa ka dhacay wax weyn bay bedeleen, mar kastana waxaan kaga doodi jiray meel walba in shirarka dib u heshiisiinta wadanka gudihiisa waa in ay ka dhacaan, waxey shirarku ka dhici karaan Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe xittaa Hargeysa, Soomaalidu waxey ku shiri karaan geed hoostiis oo ay ku garfeyn karaan mashaakilaadkooda” ayuu yiri Safiir Ameeriko.

Mar uu ka hadlayay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya u nool ayuu sheegay in xerada adduunka ugu weyn ee Dhadhaab ay ku jiraan 550 kun, kuwaasi oo 95% Soomaali ah, wuxuuna ugu mahad celiyay Dowladda Kenya in wadankeeda ay ku noolaadaan si nabad ah.

“Beesha caalamku waxey tan & intii ay Soomaaliya ka burburtay dowladdii dhexe ku howlaneyd sidii Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd, waxaana la qabtay in ka badan 14 shir, inkastoo shirarkaasi juhdi & dedaalo badan ay gelisay beesha caalamka, gaar ahaan dowladaha Soomaaliya deriska la ah, haddana waxaa xaaladda mar walba kaga sii darayey kooxo ay dhibeyso in Soomaaliya lagu soo celiyo haykalkii dowladeed, nasiib wanaag dhibaato kasta oo laga maray sidii kooxahaasi loo aamusin lahaa maanta waxaa la qaaday tillaabooyin dhiig cusub geli kara sidii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd, waxaana yididiiladaasi ka mid ah shirka London oo dowladdii martigelisay oo ay dowladda saameyn ballaaran ku leh caalamka ay xoogga ku saartay sidii Soomaaliya ay mar kale kaga soo muuqan laheyd fagaarayaasha caalamka” ayuu yiri safiirka.

Mar uu ka hadlayey dhibaatada haysata Soomaalida u soo qaxday xerooyinka dalka Kenya ee ay ku jiraan Soomaalida qaxootiga ah, wuxuu tilmaamay in nolosha ay ku nool yihiin qaxootigaasi ay tahay nolol aad u adag wuxuuna ka codsaday Soomaalida Holland in ay ka qeybqaataan sidii Soomaalidaasi loo gargaari lahaa “2 sano ka hor raashinkii mar aan raashin gaarsiinay dadka qaxootiga ah ee xerooyinkaas ku jira waxaan xusuustaa in meel teendho ah aan ugu galay hooyo waayeel ah oo canjeero dubeysay, markii ay i aragtay waxey tiri gudaha u soo gal, markaan soo galay ayey tiri eedo fadhiiso, aniga & 2-dii cunug ay ayeeyada u aheyd ayaa canjeeradii ay dubeysay ayey na wada siisay, aniga illin ayaa iga timid, meel kasta oo aan tago dadka aan la kulmo arintan waa u sheegaa Soomaalidu waa dad niyad wanaagsan oo aad u qalbi jilicsan,” ayuu yiri safiirka, wuxuuna intaa ku daray in mar walba uu ILLAAH weydiiyo inuu arko Soomaaliya oo soo ceshata sharafteedii & qaranimadeedii.

“Buugaag & qalmaan ayaan xerada Dhadhaab geeyey, gabar 13 jir ah oo aan kula kulmay meeshaas ayaa waxey tiri adeer inaan kula hadlo ayaan rabaa, weliba si gaar keligaa ee gees aan istaagno, waxay i weydiisay adeer ilmo ma dhashay, haa ayaan ugu jawaabay, gabdho da’deyda oo kale ah, mar kale haa baan iri adeer markaad laabato, gabdhahaaga waxa aad weydiisaa in ay heli karaan wax aay iskuulka ku dhigtaan haddii ay tahay buugaag ama qalmaan, u sheeg annaga xittaa buugaag & qalmaan aan iskuul ku tagno ma haysano lacag aan isaga bixino iskuulka iska daaye, markaas kadib waxaan u sheegay ganacsatadii Soomaaliyeed ee Kenya, maalintaas wixii ka danbeeyay ilaa hadda waxaa loo qoondeeyay in loo geeyo alaabta gabdhaha ay isticmlaan” ayuu yiri Safiirka oo intaa raaciyay in kaalmadaasi ay wax badan kor ugu qaatay niyada caruurtaasi.

Mar uu ka hadlayey warar baryahan ay saxaafada qaarkood ay soo qaadqaaday, kuna saabsan xil ka qaadis la sheegay in lagu sameynayo amb Amerika wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin war suuqeed aan wax kama jiraan ah, si kasta oo ay tahayna isagu aanu aheyn qof kursi isku dhejinaya, una yahay qof haddii xil ka qaadistiisa loo soo maro si sharci ah ogol. “Boqortooyo ma ahan shaqadda, waa howl dowladeed, waa la iska qaadi karaa laakiin waa in nidaam loo soo maraa” ayuu yiri Safiirka.

Hase ahaatee guud ahaan xubnihii ka hadlay munaasabadan ayaa cod dheer ku sheegay in aan la aqbali karin wararkaasi maalmahan soo baxayay, waxayna Dowladda KMG ugu baaqeen in fikirkaasi hadii uu jiro ay haboon tahay in lagu dhaqmo, iyagoo sheegay in dadka shacabka indhaha u ah ee wax u qabta lagula kicin falal aan habooneyn iyadoo la fiirinayo rabitaanka shacabka.

Ugudambeyntii waxaa dadkii ka soo qeybgalayaasha ahaa ay si buuxda u soo dhoweeyeen qorshaha tabarucaad loogu sameynayo caruurta Agoonta ah, Dumarka iyo dadka waayeelka ah ee aan waxba qabsan karin, kaasoo dhaqaale loogu aruurinayo isla markaana guryo iyo goobo waxbarasho loogu dhisayo gudaha dalka, waxaana qorshahaasi oo loogu magac daray H.E.Dr. Maxamed Cali Ameeriko Foundation 2012, madax looga dhigay Ambassador Ameeriko. sidoo kale waxaa goobta lagu guddoonsiiyay bilad sharaf iyo howl karnimo.

Moment Media Group

Posted on March 18, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: