Ruwaayaddii ugu horreysay ee Caalamka laga daawado oo maanta lagu soo bandhigay Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliya (SAWIR

Isniin, March 19, 2012 (Moment Media Group) – Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliya oo muddo 22 sanadood ah burbursanaa ayaa maanta markii ugu horreysay lagu dhigay ruwaayad hal-ku-dhiggeedu ahaa DARDAARAN WAALID, taasi oo ay sameynteeda iska kaashadeen Abwaannada Cabdi Dhuux Yuusuf iyo Laashin Axmadey Cabdi Gaashaan.

Intii aysan Ruwaayadda billaaban ayaa waxaa ka hadlay munaasabadda tiyaatarka lagu furayay Maareeyaha Wakaaladda  Murtida iyo Madadaallada Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka taariikheeyay dhibaatada fanka iyo fannaaniinta Soomaaliyeed ay soo mareen iyo burburka baaxadda leh ee dalka ku dhacay, gaar ahaan tiyaatarka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in haatan ay soo noolaaneyso niyadda fannaaniinta Soomaaliyeed, ayna heleen dad u heellan in ay fanka wax taraan sida buu yiri Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD oo dadaal baaxad leh gelisay sidii dib loogu soo nooleyn lahaa fanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed oo kaalin muuqata ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Ruwaayadda waxaa la socotay munaasabad lagu furayay tiyaatarka oo dayactir uu ku bilowday, iyadoo ruwaayaddana ay ahayd mid ka tarjumeysay dhibaatadii la soo maray iyo marxaladda loo socdo. Intii ay socotay Ruwaayadda ayaa waxaa daawashadeeda ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isla maanta ka soo laabtay safar uu ku tegay Dalka Suudaan, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan, Guddoomiyaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, xubno ka socday Ururrada Bulshada rayidka iyo dadweyne aad u faro badan.


Sidoo kale waxaa ruwaayaddan laga daawaday caalamka oo dhan iyadoo si toos ah looga daawaday Hiiraan Online iyo TV-yada Universal iyo midka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dadkii daawadayna ay qiiro gelisay qaabka uu Tiyaatarka yahay iyo sida uu ahaa xilligii uu dalka nabadda ahaa.

Markii ruwaaayadda ay bartamaha mareyso ayaa waxaa cod baahiyaha ku soo laabtay Abwaan Cabdi Dhuux oo dadkii gudaha tiyaatarka ku sugnaa iyo kuwii caalamka ka daawanayayba u sheegay in mugdi soo gelayo (qorraxda sii dhaceyso), sidaas darteedna aanan la sii wadi karin ruwaayadda, kaddibna wuxuu cod-baahiyaha ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali si uu isna markiisa ugu soo dhaweeyo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo hadalka ku horreeyay ayaa wuxuu sheegay in uu ku farxad weyn u tahay dowlad ahaan iyo shacab ahaan in maanta ay dhowr iyo 20 sano kaddib ay dib isugu yimaadaan Tiyaatarkii Qaranka, ayna ku daawadaan Ruwaayad ay soo diyaariyeen fannaaniinta hobollada Waaberi, wuxuuna taasina uga mahadceliyay Fannaaniinta oo sida uu yiri dadaal u galay in uusan dhimman fanka iyo ciidamada qalabka sida oo ammaanka dalka gaar ahaan Caasimadda Muqdisho wax weyn ka bedelay.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed ay juhdi weyn gelisay sare u qaadidda niyadda fannaaniinta Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in markii uu Wasiirka ka ahaa Wasaaradda C/kariin Xasan Jaamac iyo hadda oo uu Wasiir ka yahay C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn ay intaba wasaaradda il gaar ah ku heysan fannaaniinta, wuxuuna intaas ku daray in fanka Soomaaliyeed uu kaalin muuqato kaga jiro wacyigelinta iyo tilmaamidda dadka. Intaas kaddib wuxuu ra’iisal Wasaaraha cod baahiyaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif.


Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbaddiisa ay dheereyd ayaa salaam kaddib wuxuu ku dheeraaday ka hadalka marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen fanka iyo fannaanka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in fanka Soomaaliyeed uu saameeyay burburka dalka ku dhacay, wuxuuna ku cel celiyay madaxweynaha in fanka la’aantiis aysan waxba qaban karin dowladaha waayo buu yiri fanka wuxuu hadal iyo masrixiyad ku soo bandhigaa wixii dhacay, waxyaabaha toosinta ah, waxa dhacaya iyo waxa loo socdo, sidoo kalena wuxuu sheegay madaxweynaha in fanka uu guubaabo iyo niyad-dhis u yahay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed kuligood.

Madaxweynaha oo mararka qaarkood kaftamayay ayaa wuxuu sheegay in ruwaayadda ay daawadeen ay isugu jirtay jaceyl, dhibaatada la soo maray iyo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, wuxuuna fannaaniinta uga mahadceliyay dadaalka ay muujiyeen, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD oo munaasabadda soo qaban qaabisay.

Isagoo sii hadlayay waxaa uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in ay siin doonaan qiimaha ay leeyihiin ama ay mudan yihiin fannaaniinta Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in qaaraan la isku qoray min dowlad, hay’ado illaa ganacsato ay arrintaas meel wanaag mareyso, lana rajeynayo in mar dhow dayactir buuxa lagu sameyn doono tiyaatarka qaranka oo weli burbursan.


“Qofkii ogaa sida uu ahaa tiyaatarka iyo heerka uu gaaray fanka Soomaaliyeed ee haddana arka sida uu maanta yahay waxaa hubanti ah in uu qofkaas murugoonayo, waxaanse leenahay hadda wixii ka dambeeya waxaan rajeyneynaa in uu dalka Soomaaliya noqon doono sidii uu ahaan jiray iyo ka sii fiican”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Khudbadda madaxda dowladda Soomaaliya kaddib waxaa soo gebagebowday munaasbadda, waxaana kaddib saxaafadda la hadlay Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay sababtii ku dhalisay in ay dadaal u galaan soo nooleynta fanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay taasi ku dhalisay iyagoo gartay in loo baahan yahay in la soo nooleeyo meelaha muhiimka u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Madxafka Qaranka, Tiyaatarka Qaranka oo sidan magacooda ka muuqata huwan qarannimada Soomaaliya.


Jabriil Ibraahim Cabdulle waxaa uu intaas ku daray in marka bulsho qaran-jab uu ku dhaco ay u baahan tahay dad isxil-qaama oo u guntada dib u soo nooleynta dalka halkii la dhihii “annaga ayaa dalkeena burburinnay, waxaana u baahan nahay in naloo dhiso”.

“Hadda niyadda fannaaniinta Soomaaliyeed waa ay dhisan tahay, maantana isu imaatinka meeshan ka dhacay macno weyn ayuu u sameynayaa bulshada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna fannaaniinta oo markii ugu horreysay bilaha soo socda ka qeybgal faneed u aadi doona dalka Senegal”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.


Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo dib loo furay tiyaatarkii Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in la dayactiri doono oo sidii uu ahaa laga dhigo doono tiyaatarka.

Guddoomiye Tarzan waxaa uu dhanka kale baaq u diray dadka Soomaaliyeed ku nool caalamka daafihiisa kuwaasi oo uu ka codsaday in ay soo arkaan dalkooda bacdamaa ay ka maqnaayeen dhowr iyo 20 sano, “Xagaaga marka la gaaro imaada halkan (Muqdisho), ilmihiina keena oo soo tusa dalkooda sida uu yahay, neecaawda iyo qorraxdana wadankiina ka faa’iideysta bacdamaa uu qabow badan ka jiro dalalka aad joogaan, gaar ahaan dalalka Yurubta”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ruwaayadda DARDAARAN WAALID ee maanta lagu daawaday Tiyaatarkii Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay ahayd Ruwaayaddii ugu horreysay oo 22 sanadood  kaddib lagu soo bandhigo tiyaatarkii Qaranka, iyadoo jawigana uu ahaa mid xusuus iyo xamaasad isku dheehan xambaarsanaa.











Posted on March 20, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: