Dawladda Itoobiya oo Ku hanjabtay inay Talaabo ka Qaadayso Gudaha deegnada Siilanyo haduusan maamulkaasi Joojin Rasaasta loo dirayo Gaashaamo.

Qunsulka u fadhiya  Magaalada Hargaysa dawladda dalkaasi Itoobiya, ayaa si kulul uga hadlay Dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay deegaanka Gaashaamo, oo ka tirsan ismaamulka dawladda Deegaanka Soomaaliyeed ee dalkaasi Ethiopia.

Gen: Berhe Tesfaye ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Hargaysa ee caasimada labaad ee dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in ay ka warhayaa abaabul dagaal, Gudbin rasaaseed, Gurmad iyo Tolay ka soconaysa gudaha magaalada Hargaysa, wuxuuna digniin ku bixiyey in dawladda Ethiopia ay lee dahay awood ay dhulka kula sinto maamulka Siilaanyo cadaaladana ku horkeento ayuu yidhi kuwa wada Xasarahada.

Mar la waydiiyey in ciidamada LIYUU boolisku ay yihiin beesha Darrood, kuwaaoso cagta marinaya sida weriyuhu hadalka u dhigay Isaaqa ayuu , arintaas si cadho leh uga jawaabay wuxuuna yidhi””‘ Ciidamada dalka Ethiopia maaha qabiil, anaguna ma nihin maamulka ”Somaliland””, oo kale waxaanu nahay qaran awood ku leh geeska Afrika, askariga Itoobiyaanka ahi maahaa  qabiil, wuxuu tuurta ku wataa qaranimada dalka iyo Ciidamada Ethiopia.”’ Taas waan maqlay in kuwo sheeganaya Isimo ay la wareegayaan hadalo noocaas ah, ha ogaadeen inaan cadaalada keeni karno kana gaxaysan karno gudaha Hargaysa”, ayuu si kulul u yidhi Gen:  Tesfaye.

Qunsulku wuxuu kaloo sheegay in dawladda deegaanka Soomaalidu ay wakiil ka tahay shacabka joogaa Gaashaamo, ayagana looga baahan yahay inay sharciga raacaan, hadii kalena gacan bir ah lagu qaban doono, isla markaana aysan eegan karin in sharciga ay ayagu samaystaan.

Posted on March 21, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: