Mas’uuliyiin oo ka qaybgalay Aaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Axad, Maarso 25, 2012 (MMG) — Madax uu ka mid yahay Cali Mahdi Max’ed ayaa ka qaybgalay aas madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf loogu sameeyay maanta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu ku dhashay.

Marxuumka Yuusuf ayaa wuxuu Jimcihii lasoo dhaafay ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta isagoo 78-jir ah, waxaana xubnaha kale ee aaskiisa ka qaybgalay ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynaha Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno kale oo fara badan.

Sheekh Shariif oo hadlay ayaa sheegay in aaska madaxweynihii hore uu yahay mid Qaran, wuxuuna xusay in dowladda KMG ah ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dayn Qaran ah ee lagu lahaa marxuumka, sidoo kalena ay gacan ka geysan doonaan bixinta daymaha shaqsiga ah ee lagu leeyahay haddii looga maarmi waayo.

“Qof walba waa dhimanayaa, waxaana maanta nala gudboon inaan walaalkeen iska cafinno,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in isaga iyo madaxweynihii dhintay uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan, intii uu isbitaalka ku jirayna uu taleefoonka kula hadli jiray.

Ra’iisul wasaare, C/weli Maxamed Cali ayaa isaguna ka sheekeeyay Taariikhdii Col. Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu ahaa muwaadani ku sifoobay wadani jacayl, una hura waqtigiisa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad waarta.

Mas’uuliyiinta kale ee ka qaybgalay aaska ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, waxaana xubnihii ka qaybgalay aaska ay dhammaantood u duceeyeen marxuumka.









Moment Media Group

Posted on March 25, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: