Galmudug oo dhaliil usoo jeediyeen Shariifka iyo Faroole

27.03.2012 – Qaar kamid Masuuliyiinta Dowladda Galmudug ayaa wax laga xumaado oo masuulyad xumo ah ku tilmaameen in faroole iyo shariifka kaligood isaga dhawaaqaan in goroonka dayuuradaha magaalada Gaalkacyo ee lagu muransan yahay lagu magacaabo marxuun C/llaahi Yuusuf.
Masuuliinta Galmudug oo uu ugu horeeyey Madaxweyne Caalin ayaa waxa ay ka soo horjesteen in goroonka diyaradaha magalada galkacyo lagu magacaabo marxuun C/lahi Yuuusuf iyagoo sabab uga dhigay wadatshi la’aan iyo muran wali kajira gacan ku heynta goroonka galkacyo.

Sidoo kale masuuliyiinta dowladda Galmudug ayaa waxa ay guux xoogan ka bixiyeeen kulan aan horey loo shacinin oo shalay magaalada gaalkacyo lagu qabtay,waxayna ku sifiiyeen shir dano gaar laga lahaa.

Maamulka Galmudug oo iyaga Puntland dhawaan loo aqoonsaday in yihiin maamul goboledyada dhabta ah ee xiliggaan la aqoonsan yahay inta lasoo dhisayo kuwo kale,ayaa marar badan waxa ay ka dhawajiyeen in aysan la dhacsaney road maabka ay dabada ka riixayaan mamulka Puntland iyo Beesha caalamka

Magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa kawada shaqeeya maamulada Galmudug iyo Puntland,waxaana ka jira muran muddo soo jiitamayey oo ku aadan gacan ku heynta garoonka magaalada gaalkacyo.

“Madaxweyne C/llaahi Yuusuf allaha ha unaxariistee waxuu ahaa nin reer mudug ah sidoo kalana Madaxweyne qaran ah balse ma’aysan aheyd in lagu magaaco goob leysku heyso oo muran ka jiro”waxaa sidaa yiri masuuliyiinta Galmudug.

Si kastooy ahaataba waxii ka danbeeyey shirkii garoowe ee looga hadlayey arimaha dastuur u sameynta dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo shaacbaxaya in Maamulka Dowladda Galmudug aysan la dhacsaney siyaasada Shariifka iyo Faroole.

Maamulka iyo Shacabka Galmudug oo si Adag u diiday bixinta Garoonka  Gaalkacyo Dhagayso 

Posted on March 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: