Xafiiska Zamzam ee Norway oo si rasmi ah loo furay
Xafiiska hay`adda ZAMZAM FOUNDATION ee caasimadda dalka Norway ayaa si rasmi ah loo furay, ka dib markii halkaasi lagu qabtay xafladda xarig-jarka xafiiska.
Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo dhalinyaro kuwaas oo ka kala yimid wadanka Norway, wadamada dariska iyo dalka Mareykanka.
DAAWO FILMKA:
Kadib casho sharaf la cunay iyo hadallo la isdhaafsaday ayaa waxaa xafiiska xarigga si wadajir ah uga jaray gudoomiyaga hay`adda ZAMZAM ee qaaradda Yurub Ibraahim M. “Boodaaye” iyo xildhibaanadda soomaaliyeed ee reer Norway Faadumo Cali Madar.
Gudoomiye Boodaaye oo hadal gaaban siiyay shabakadda warbaahinta Calanka kadib xarig-jarka ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan furitaanka xafiiska, waxaana uu sheegay in xafiiskani wax weyn ka tari doono isku xirka dadka gudaha dalka ku sugan iyo kuwa Qaaradda Yurub ku nool.
Waa xafiiskii ugu horeeyay ee ay hay`adda Zamzam ka hirgeliso qaaradda Yurub.
calankasomalia: Moment Media Group
Posted on March 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.
Leave a comment
Comments 0