Faroolle oo Fadeexad kala kulmay Madaxdhaqameedka Khaatumo State ee ka qaybgalay Aaskii Marxuum Abdullaahi Yuusuf,{Warbixin}.

March 28th, 2012 – Maalinimadii Axadii ina waydaaraytay waxaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya Maamuus Aas qaran loogu samaynayey Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col: Abdullaahi Yuusuf oo jimcihii ku geeriyoodey Dalka isku taga Emaaraadka Carrabta.

Hadaba waxaa Aaskaas iyo weliba shirkii Qariirada Nabada ka qaybgalay Wufuud ka socotay Golaha Sare ee madaxdhaqameedka Khaatumo State oo ay ka mid yihiin, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Abshir Salaax, Suldaan  Siciid Cusmaan Cali iyo Boqor Abdullaahi Axmed Cali.

Hadaba Maxaa Dhacay?

hadaba markii uu Aasku dhamaaday isla markaana la soo gaadhay maalinimadii Isniinta oo lagu guday jirey in wejigii sadexaad ee shirkii wadatashiga qorshaha Tubta ee Road Map-ka ayaa waxaa dhacday in kulan hoose ama kulan gaar ah ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh Axmed iyo C/Raxmaan faroole , isla markaana wuxuu Faroole madaxweynaha weydiiyey Khaatumo iyo waxa uu ka aaminsan yahay, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay faroole in maamulkaasi uu yahay mid ula siman kan Garoowe ka jira Isla markaana wuxuu madaxweynuhu sheegay in dadkaasi ay si buuxda ugu midoobeen maamulka Khaatumo State of Soomaaliya dawladduna ku khasban tahay inay la shaqayso.

Faroolle ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka deegaankaasi ay hadaba Gaalkacyo la joogaan isla markaana asaga tageersan yihiin, Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif ayaa si kooban ugu yidhi noo keen odayaasha, Faroole ayaa isku sii daayey hudheelkii ay degenaayeen Isimadu wuxuuna u sheegay in laga sugayo Guriga uu Madaxweynaha SOomaaliya degan yahay shirna ay la lee yihiin, hase ahaatee Madaxdhaqameedkii ayaa si fudud u yidhi haduu donayoi Madaxweynuhu inuu la kulmo Isimmo Khaatumo Xamar ayey joogaan, kuwaasaana naga wakiil ah,

Waxayna isla markiiba ka ambabaxeen Gaalkacyo ayagoo u kala jahaystay meelihii ay ka kala yimadeen, waxay Madaxdhaqameedku sheegeen inaysan laba codlayn karin, isla markaana aysan mardanbe u dulqaadan karin in sawiro laga qaado, Faroole oo ad arintaas uga cadhaysan ayaa meeshii ka luuday, asagoo go’aansaday inuu Askar u keeno, isimada hase yeeshee markiiba ay iskaga baxeen Gaalkacyo.

Faroole ayaa sidoo kale Raysal waasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas ugu Tiraabay inuusan arimahaas, wax ka qaban hase yeeshee raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu dhawrayo sumacada Xilka uu u hayo qaranka Soomaaliyeed.

Isku soo wada duubo Faroole ayaa hada u eg Lax Garacani geed kama Leexo, wuxuuna hada u eg yahay nin Tabar yareeyey, kaasoo daala dhacaya marba jiho isku qaadaya,

Posted on March 28, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: