Warshada Sibidhka Ee la Rabo In laga Bineeyo Barbara Waxay U eegtahay Mashaariicdii Ganacsadihii Mareexaan Ee Cabdi Xoosh Uu Ka Heli Jiray Siyaad Barre. W/Q Cabdirisaaq Suudi

March 28th, 2012 – Cabdixoosh wuxuu ahaan jiray nin mareexaan ah oo ganacsade ah markii koonfurta somaliya ka qaadatay gobonimada dalka talyaaniga 01july 1960kii cabdi xoosh wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii faro ku tiriska ahayd ee ku sugnayd magaalada muqdisho wax gacan saara ama xidhiidh sokeeye ah oo uu la yeeshay dawladihii rayidka ahaa ee u kale danbeeyey talada dalka somaliya may jirin xidhiidhka kaliya ee ninkaa ganacsadaha ah iyo dawladihii rayidka ahaa dhex mari jirayna wuxuu ahaa haddii uu badeecad uu hayo ay dawladu u baahato inay si caadiya wax u kale iibsadaan hadaba arintani waxay mar kaliya is badashay markii uu dhashay kacaankii milatari 21 octobar 1969kii ee uu hogaaminayey maxamed siyaad barre.

Ayuu ganacsadii cabdi xoosh oo magac wayn ku lahaa koonfurta somaliya oo dhan gaar ahaan magaalada muqdisho uu isku dayey in uu isku beego dayaxa iyo dugsiga ganacsaar sokeeyana la yeesho xafiiska siyaad barre ee laga soo saaro digreetooyinka lagu xukumo dalka waxaanu saamayn ku yeeshay oo u suurto gashay in uu si fudud u ogaado dhaqdhaqaaq kasta oo ku sahabsan dhinaca ganacsiga ee soo gali jiray madaxtooyadii Villa somaliya.

Waxaana u suurta gashay in ganacsadihii cabdi xoosh uu si toos ah ugu dhex milmo dawladii siyaad barre ka dibna uu hantiyo ama uu gacanta ku dhigay mashaariicdii halboolaha u ahayd qarankii markaa jiray waxaana dhici jirtay in masuul kasta oo isku day in uu is hor taago ama uu hakad galiyo mashaariicda ninkaa ganacsadaha ahaa markay ugu fududahay  waxa uu ku waayi jiray shaqadiisa hadiiba uu ka badbaado in isaga danbi lagu qaado waxaana markii danbe ninkaa ganacsadaha ahaa u suurta galshay in masuulkii ugu sareeyey xafiiska siyaad barre ee digreetooyinka laga soo saari jiray uu noqday nin ka mid ahaa masuuliyiintii shirkadihiisa ganacsi oo la odhan jiray Cabdi Xuseen Xaashi (CabdiYare).

Hadaba mudooyinkii danbe ee uu siyaad barre ahaa magac u yaalka  ama waraabe u taaga waxa hubaala in madaxwaynaha dalku uu ahaa ganacsadihii mareexaan ee cabdixoosh inanka gacan yaraha u ahaa siyaad barana uu isagu xafiiska keenay waxaana u suurto gali jirtay inay soo saaraan digreetooyin la mida hadalkii uu madaxwayne siilaanyo ka hor jeediyey labad gole baarlamaan 14 Jan 2010ka ee uu ku sheegay ee uu yidhi waxaan doonayaa in aan iibiyo guryaha dowlada oo dhan.

Hadaba marxalada ay maanta somaliland ku jirto waa taa aynu soo sheegnay oo kale madaxwaynaha rasmiga ah ee dalkuna waa ganacsade cabdi xoosh oo kale gacanyaraha firfircoon ee hawlaha fulinayaana waa wasiirka madaxtooyada wakhtiyada digreetooyinkaa aynu soo sheegnayna la soo saarayaana madaxwaynihii umadani dooratay ee axmed siilaanyo waxa lagu mashquuliyaa oo looga sheekeeyaa libaaxyo marmarka qaarkooda waxa looga sheekeeyaa diin iyo dacawo hadab wax is waydiin leh ganacsigii cabdi xoosh ma noqday mid sii tamariya mise waxa uu mar la dhamaaday xukunkii siyaad barre .

Waxa hubaala ganacsade kasta oo xukun jira si khaldan uga faa’idaysta in hantidiisu la mid noqon doonto tii cabdi xoosh oo kale oo marka uu xukunkaasi dhacana la waayi doono hantidiisa meel ay martay waxaan tusaale kuugu filan cabdi xoosh oo ka mid ahaan jiray maal qabeenada africa ganacsigiisii waxa uu mar la dhaamaday xukunkii siyaad barre waxa jirta maah-maah soomaliyeed oo tidhaahda Libaax Nin Ganay Iyo Nin Galaday Uu Kale Og Yahay umada somaliland way kale ogtahay ganacsadaha doonaya in uu shilinkiisa ku boobo hantida qaranka iyo ganacsadaha doonaya in uu shilinkiisa ugu gargaaro danyarta tabaalaysan hadab isku soo wada duuboo Warshada Sibidhka Ee la Rabo In laga Bineeyo Barbara Waxay U eegtahay Mashaariicdii Ganacsadihii Mareexaan Ee Cabdi Xoosh Uu Ka Heli Jiray Siyaad Barre.

Posted on March 28, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: