Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha

Arbaco, Maarso 28, 2012 (bulaale) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay Agaasimeyaasha cusub ee loo magacaabay qaar ka mid ah wasaaradaha.

” Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

NO

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB

WASAARADDA LOO MAGACAABAY

XILKA LOO MAGACAABAY

1 Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case)(Xil Hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL) Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Agaasime Guud
2 Mudane, Abiib Axmed Cali Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska Agaasime Guud
3 Mudane, Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo) Wasaaradda Dib-u-dejinta Agaasime Guud
4 Mudane, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey) Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maareeye

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane, Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

Sidoo kale, waxa wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta loo magacaabay Cali Cilmi Geelle oo noqonaya wasiirka cusub ee wasaaradaasi, iyadoo hore xilka looga qaaday wasiirkii xilkaasi hayey oo la odhan jiray Md Axmed Xaashi Oday.

Posted on March 29, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: