Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta furmay + Sawiro

Mar 29 2012 – Shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq, shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen dhammaanba wadamada ururka Jaamacadda Carabta ka tirsan.

Madaxweynaha Dowladda KMg Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray wadanka si Ciraaq si uu uga qeyb galo shirka wadamada Carabta ee halkaasi ka furmaya.

Magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq oo 22-sano kaddib ka dhacayo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa furitaanka shirka waxaa maanta khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Shirka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay diblomaasiyiin iyo madax heer caalami ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon iyo madax kale oo socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in dalalka Carabta ay caawiyaan Dowladda KMG ah oo uu sheegay inay isku biirsadeen xaalado kala duwan iyo dagaallo ay ku hayaan kooxaha argagixisada caalamiga ah.

Posted on March 29, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: