Dr. Siciid Jaamac “Awoodii Dastuur Sameynta Waxaa Gacanta Loo Geliyay Puntland & Dabodhilifyadooda”.

Sat, Mar 31st, 2012 – Dr. Siciid Jaamac oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee loo xilsaaray diyaarinta dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya in ay u gacan baneeyeen sameynta dastuurka Soomaaliya maamulka Puntland, wuxuuna taasi ku tilmaamay in ay tahay shirqool loo maleegayo masiirka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna tilmamaay in xubnaha loo xilsaaray sameynta dastuurka markii hore ay ahaayeen Majeerteen oo keli ah,, markii dambena iyagii ay soo xusheen kuwa ay is leeyihiin waa idinku taageerayaan wax kasta oo aad qarbabooshtaan.

“Waxaa lagu wareejiyey in ay diyaariyaan dastuurka ummadda Soomaaliyeed dhalinyaro Puntland u dhashay oo C/weli & Faroole ay qurbaha ka keeneen & dabodhilifyadooda” ayuu yiri Dr. Siciid Jaamac wuxuuna soo jeediyey in la xoojiyo qeylo-dhaanta ka soo yeertay Galmudug.

“Galmudug waa qeyliyaan waxeyna ka qeyliyeen mu’aamarada meesha ka taagan, waana in la taageeraa qeylo-dhaanta Galmudug” ayuu yiri Dr. Jaamac, wuxuuna intaa ku daray in ay tahay arrin meel ka dhac ah in C/raxmaan Faroole & C/weli Gaas ay noqdaan kuwa sutida u haya diyaarinta & ansixinta dastuurka.

Posted on March 31, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: