Puntland Wax Yar Baa Kaga Harsan In Ay Safiiro Magacawdaan, Ha Sheegtaan In Ay Go’een, Waan Ugu Samreenaa Batroolka Iyo Macdanta [Dood]

Sat, Mar 31st, 2012 – Xubno isugu jira sharciyaqaanno, aqoonyahanno & waxgarad ka tirsan qeybaha bulshadda ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan kaga jawaabay dood loo qabtay oo ku saabsan sida ay Puntland isugu gaar yeeshay ololaha lagu sameynayo dastuurka cusub ee loo madlan-yahay in loo sameeyo Soomaaliya, waxaana ay badi aqoonyahanadani oo ka soo jeeda gobolka Banaadir ay qireen in Puntland ay ka soo galeyso sameynta dastuurka habka 4.5 ee lagu saleeyey awood qeybsiga dowladda, ayna la saami tahay beelaha kale ee Soomaalida, balse ay iminka u muuqato in ay hor boodeyso beelaha kale ee Soomaalida.

Xubnaha aqoonyahanadda ah ee ka hadlay dooda, oo kulankoodu uu ka dhacay hotel Saxafi 2 waxey intooda badan isku mowqif ka istaageen sida loo damin karo hamiga ay Puntland ku dooneyso in ay keligeed go’aan ka gaarto masiirkii ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay aqoonyahanadii u soo jeediyeen dowladda inay arrintaasi ku baraarugto.

“Waxaa ay sheegeen guddiga dastuurka in Puntland ay noqoto hooyada federaalka, waxaana Puntland loo aqoonsaday qoladii u horreysay ee federaalka aasaasta waxaana kelmadaha la adeegsaday ka mid ah curadkii federaalka, waxaa loo aqoonsaday dowlad oo lama dhihin maamul goboleed” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay dooda, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in haddii loo ansixiyo in Puntland ay wax ku qeybsato 8 gobol in taasi ay noqoneyso gef aan garowshiiyo laheyn.

“Dastuurka cusub wuxuu qorayaa in Puntland kheyraadka dhulkeeda ka soo baxa ay keligeed leedahay,, wixii dhulalka Soomaalida ka soo baxana ay 25 percent ku leedahay” ayey tiri gabar ka mid aheyd dadkii dooda ka soo dhex muuqday.

“Dastuurka sida loo qorsheynayo haddii loo sameynayo waa si ay faa’iido ugu jirto Puntland, wax yar ayaa kaga dhiman in ay tiraa waxaan wakiilo ku yeelaneynaa dibedda wakiiladaasoo barbar socda kuwa dowladda federaalka, Puntland been yeysan noo sheegin waan go’nay ha tiraa oo sida Somaliland ha cadeystaan, annaga xittaa waan ugu faataxeyneynaa in ay tagaan, batroolaa sheegtee ha laga helo macdanta adduunka ugu qaalisan” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dooda ka qeybgalay wuxuuna xusay in sed bursigu yahay kan araxda jebiyey in Soomaaliya ay hesho

Posted on March 31, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: