SHIR SAXAAFADADEED LAGU SHARCIYEEYNAYAY MAAMULKA BANAADIR STATE OO MUQDISHO KA DHACAY.

Mar 31, 2012 – Kulankaani oo looga halayay sharciyada uu ku taagan yahay Maamul goboleedka Banaadir State ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay Mas’uuliyiinta Maamulkaasi iyo Ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed kaasi oo lagu falan qeynayay sharciyada uu haysto Maamulkaasi oo muddooyinkii dambe jiritaankiisa laga soo horjeeday.

Ururka qareenada Soomaaliyeed oo warqad qoraal jawaab celin ah halkaas kusoo bandhigay ayaa saxaafada ugu warameeen in uu maamulka Banaadir State Sharci ku dhisan yahay,

Ugu horeyn ayaa ujeedka kulanka waxaa Saxaafadda u faah faahiyay Afhayeenka Madaxtooyada, Maamul goboleedka Banaadir State Muxudiin Max’ed Xaaji kaasi oo sheegay in kulankaani ay ugu talagaleen in qeybaha kala duwan ee bulshada ay ku qanciyaan sharciyada uu ku taagan yahay Maamulkaasi iyo DKMG ah oo uu sheegay in muddooyinkii dambe ay wadday inay Hor istaagto jiritaanka Maamulkan.

Maamulka Banaadir State oo wadashiyo Ballaaran la yeeshay Ururka Garyaqaannada Somaaliyeed si Mad Madowga looga bixiyo jiritaankiisa islamarkaana dad weynaha loo bandhigo, , AVV C/llaahi Maxamed Jimcaale oo si cod kor ah u hadlayay ayaa sheegay in Maamul Goboleedka Banaadir State Yahay mid Sharci ku dhisan oo ay si cad ah Shacabka ugu bandhigayaan.

Madaxweyne ku xiggeenka Maamulka Banaadir State Dr.Max’ed Sheekh Xasan oo isna kulanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Maamulkoodu uu ilaallinayo sharciga islamarkaana ay aaminsan yihiin in wax waliba uu ka ween yahay sharciga, iyagoo taasi ka duulayana Maamulkoodu uu yahay mid sharci ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha barlamanka ee Maamul goboleedka Banaadir State Xasan Axmed Muuddeey ayaa isna baaq nabadeed u diray dagaal beeleedyo kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka Sh/dhexe, isagoo tilmaamay in dhinacyadaasi looga baahan yahay joojinta xiisadahaasi, Maamulkooduna ay gacan ka gaysanayaan sidii looga hortagi lahaa dhiig ku daata gobolkaasi “ Shacabka Soomaaliyeed Dagaal waa ka daallay waxaana diyaar u nahay In aan wixii karaanleena ah ee nagala baahan yahay ka qaadano hadaan nahay Maamulka Banaadir State” ayuu yiri Mudane Muudeey io garabkiisa ay fadhiyeen Masuuliyiin Sar Sare oo ka tirsan Maamulkaasi iyo Xildhibaano.

Posted on March 31, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: