Shirweynihii Dalada Isbaheysiga umadda Soomaaliyeed oo la soo gaba-gabeeyay. “Sawiro”

April 1, 2012 (MMG) – Shirweynihii Sanadlaha ahaa ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed  kiisii 18-aad oo  Mudo Laba Maalin ah ka socday Magaalada Stockholm ee Wadanka Sweden ayaa la soo gaba gabeeyay Maanta  oo Axada ah: Shirweynahaan oo Sanadkiiba mar la qabto ayaa sanadkaan ahaa mid Doorasho ah sida caadiga ah Labadii Sanadba mar ayaa la qabtaa Doorashada Hogaanka Dalada Ururka Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeedayaa Sanadkaan waxaa mar labaad Hogaanka Doorashada ku guuleestay oo dib loo doortay  Hogaankii Labadii Sano ee la soo dhaafay shaqeynayay.

Guddiga Doorashada ayaa waxuu sheegay  in Shaqo Wanaag iyo Howl Daacadnimo iyo Somalinimo ah kadib laga codsaday Hogaankii Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed  ee uu Gudoomiyaha u yahay Mr Abdullahi Ma’ollim in mar labaad ay sii hayaan Xilka Labada Sano ee soo socota sidaana waxaa lagu ansaxiyay codkii ugu badnaa ee  ka soo qeyb galayaasha  iyo Ururada hoos imaada Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed .

Shir Sanadeedka Dalada Isbaheeysiga Umadda Soomaaliyeed  ayaa Sanadkaan waxaa lagu Casuumay Marti ka kala timid Dunida Dacaladeed Waxaana ka  mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada KMG Dr Abdullahi Goodax Barre iyo Safiirkii hore ee Somalia u fadhin jiray Wadanka Hindia Ambassador Mohamed Osman Omar  iyo marti kale oo aad u fara badan.

Ugu Dambeyntii Shirka ayaa waxaa lagu sharfay in ay si wada jir ah u soo gaba gabeeyaan Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Dowlada KMG Mr Dr Abdullahi Goodax Barre & Safiirkii hore ee Somalia Wadanka Hindia Ambassador Mohamed Osman Omar  oo hadalo guubaabo iyo dardaaran ah ku soo xiray Shir Sanadeedkii  18-aad ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed  oo laba maalin ka socday Caasimada Wadanka Sweden ee Stockholm.

Xoghaya Warfaafinta  ee Dalada Isbaheysiga Umadda Soomaaliyeed  Mr Ibraahim Hassan “Qalinlle ” oo la hadlayay markii uu soo dhamaaday Shirka Saxaafada ayaa sheegay in Shir Sanadkii 18-aad u ku soo gaba gabooday sidii loogu tala galay waxuuna ugu horeyn u mahad celiyay bahda Warbaahinta iyo Martida ka soo qeyb gashay shirka Sanadkaan.


























Moment Media Group

Posted on April 2, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: