Kulan Loogu Hadlaayay Xulida Xildhibaanada Cusub Ee Baarlamanka Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Sat, Apr 7th, 2012 (MMG) – Odayaasha beelaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlada KMG ayaa Maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kaasi oo loogu hadlaayay soo xulitaanka Xildhibaanada Barlamanka Cusub ee uu yeelanayo dalka.

Shirkaan ayaa loogu hadlay sidii ay Odiyaasha usoo xuli lahaayeen Xildhibaanada Beel waliba ugu mid noqon doono Baarlamaanka Cusub ee dalka uu yeelanayo, iyadoo sidoo kale Dowlada KMG ay sheegtay in ay Aqoonsi gaar ah u sameeneeso Odiyaasha soo xulayo Xildhibaanada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya C/samad Macalin Max’ud oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay, in Dowlada KMG ay dar dar gelineeso meel marinta Roadmap-ka ka hor inta aan la gaarin waqtiga doorashooyinka dalka.

Odiyaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankaan ayaa soo dhaweeyay kulanka Maanta ay soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada KMG ee Soomaaliya, iyagoo dhankooda sheegay in ay xil iska saari doonaan soo xulida Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka.

Xilliga Dowlada KMG ayaa waxa uu ku egyahay bisha Augusto, iyadoona xilligaasi ka dib la filayo in la doorto hogaan cusub oo uu yeesho dalka, iyadoona inta badan shaki laga muujinayo soo xulida xildhibaanada Cusub ee ka mid noqonayo Dowlada dhexe oo ay dalka yeelan doonto.

Posted on April 7, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: