Hawlgalka Al-Shabaab ee Puntland iyo Fu’aad Shongole (Warbixin)

Garowe Wednesday, April 11th, 2012 – (MMG) Toddobaadkan madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo saraakiisha amaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in xubno sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay gaareen deegaanka Galgala ee gobolka Bari halkaasoo horey fariisin ugu ahayd xoogaga Sheekh Maxamed Siciid Atam oo ku biiray Al-Shabaab dagaalna kula jira ciidamada Puntland.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa iyaguna aan qarin in rag sare oo ka tirsan kooxda oo ku sugnaa koonfurta Soomaaliya ay u guureen deegaanada Puntland si ay halkaasi uga wadaan dagaal ay ku sheegeen inay kula jiraan maamulka Faroole. Kooxda Atam ayaa bishii Febraayo sheegtay inay ku biireen Al-Shabaab oo iyada lafteeda si rasmi ah ugu biirtay Al-Qaacida.

Haddaba warar dheeraad ah oo arimahan la xiriira ayaa sheegaya in Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole) oo Shabaabka u qaabilsanaa dhanka dacwada iyo saraakiil sadex ah ay ka mid yihiin ragga gaaray Galgala.  Waxaana afartanin ay hogaaminayeen ciidan hubeysan oo aan tiradooda la sheegin oo waqti habeen ah ka degay xeebaha gobolka Sanaag iyagoo ka dibna u gudbay dhanka Galgala oo 40-km u jirta magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee Puntland.

Saraakiil sirdoonka Puntland ka tirsan oo si hoose ula hadlay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegaya in ay aad u tuhunsan yihiin in Fu’aad Khalaf uu hadda joogo Puntland ka dib markii dooni uu ka soo raacay Kismaayo kaga soo degay meel duleedka Boosaaso ah, waxayna saraakiishu sheegayaan in Fu’aad uu hadda wado qabanqaabo ku aadan isku dubaridka kooxda Atam oo awood ahaan Puntland aaminsan tahay in aad loo wiiqay.

Hawlgalka Shabaab ee Puntland

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegay inay mar horaba filayeen in saraakiisha Shabaab ay baxsad bilaabi doonaan mar haddii dagaalkii kaga furnaa koonfurta Soomaaliya uu ku xoogeystay kaasoo sababay in gobolo iyo degmooyin muhim ahaa looga qabsaday tan iyo bishii Disembar ee 2011.

Iyadoo ay tani jirto ayaa haddana waxaa muhim oo dad badani isha ku hayaan duruufo kakle oo waqtigan saamaxaya in Shabaab u soo jeestaan Puntland  kuwaasi oo hadda ka jira Puntland;-

– Shidaal baarista laga bilaabay gobolo ka mid ah Puntland (Gaar ahaan Bari iyo Nugaal) isla markaana shaqaale iyo shirkado ajnabi ah ay gobolka joogaan.

– Dib u dhigista doorashada madaxtinimada Puntland iyo mudo kororsiga madaxweyne Faroole oo laga yaabo in dadka gudaha ay ka careysiiso ka dibna kacdoon ay dadku sameeyaan Shabaabku ku dhex dhuuntaan.

– Qaadista aftida dadweynaha ee dastuurka oo ay dhici karto in fursad amni daro ay ka helaan Shabaabka.

– Kalsoonida shacabka ku qabaan maamulka madaxweyne Faroole oo hoos u sii dhacaysay sanadkii u dambeeyay taasoo keentay in beelaha qaar iyo gobolada (Sool, Sanaag iyo qeybo Bari iyo Mudug) ay gaarkooda u sameysteen maamulo ka baxsan kan Puntland.

– Dhulka Puntland oo xeeb la wadaaga dalka Yemen oo rabashado weli ka jiraan ayna joogaan xubnaha Al-Qaacidada Jasiirada Carabta (AQAP) sidaasi darteedna waxaa u fudud inay Shabaab u kala gooshaan Puntland iyo Yemen haddii xaaladu ku cuslaato ama ay hubka iyo rasaasta soo marsadaan dhabahaasi.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole

Saraakiisha amaanka ayaa kulamo isdabajoog ah maalmahan ku leh Garowe iyo Boosaaso iyadoo si dhow looga arinsanayo sida Puntland waqtigan u wajaheyso isku dayga Al-Shabaab ee ah inay salka dhigato Puntland ka dib markii ay ku awood yareeyeen koonfurta Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markale maamulku qorsheynayo in weerar lagu qaado buuraleyda Galgala ee ay haatan saraakiisha Al-Shabaab soo galeem arintaasi oo aad madaxweynuhu u rabo laakiin saraakiisha amaanka waxay sheegayaan in weerarka hadda lagu qaadayo Galgala uu noqon karo mid kahartiisa leh maadaama xoogagii Galgala ee horey ciidamada Puntland ula dagaalameen sanadkii 2010 aysan keligood hadda ahayn oo ay heystaan dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsan oo tababaro sare qaba iyo hub intuba.

Labo daran mid dooro!

Masuuliyiinta amniga Puntland ayaa aaminsan in haddii aan xubnaha Al-Shabaab ee ku soo xerooday Galgala fadhigooda loogu tagin ay qalaanqal gelin doonaan amniga gaar ahaan waxaa aad looga welwel qabaa inay weeraraan goobaha shidaalka laga baarayo ama meelaha aftida dastuurka laga sameyn doono dhowaan, sidaasi darteed ayaa saraakiisha hay’adaha amaanka wadaan dersida xaalada.

Meesha lagama saarin dhawaaq uu shalay madaxweyne Faroole ka sheegay warbaahinta qaarkeed oo ahaa in la kaashan doono Reer Galbeedka iyo kuwa AMISOM ee hadda loo fasaxay inay gobolada dalka u safraan haddii looga baahdo.

Si kastaba, inkastoo aan la dhihi karin Al-Shabaab ayaa ku cusub Puntland haddana waa xaalad culeyskeeda leh marka loo eego marxaladaha uu wajaho maamulka madaxweyne Faroole oo irido badan ku furan yihiin.

Posted on April 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: