C/raxmaan Faroole oo sheegey: “Al-Shabaab ayaa soo galay Puntland buuraha goolis ayuuna soo sahansaday

April 11, 2012 – Hogaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ay cudud militiri ku yeelatay buuraleyda Goolis gaar ahaan deegaanada kaabiga ku haya magalada Boosaaso isagoona sheegay in maamulkiisa uu hadda halis ugu jiro ciidamada mujaahidiinta ee halkaasi ka dagaalama.

Cabdi Raxmaan Faroole waxaa uu sheegay in dagaalka uu ka soo wareegay koonfurta Somalia islamarkana hadda uu ka qarxay dhulka uu maaamulkiisa ka taliyo waxaana uu sheegay in taasi ay tahay mid uusan ogolaan doonin, waxaa uu sheegay in mujaahidiinta halkaas uu kula dagaalami doono islamarkana ay ka hortagi doonaan sida uu warka u dhigay.

Maamulka isku magacaabay Puntland ee ka jira gobolada Bari iyo Nugaal ayaa hadda wajahaya xaalado adag oo dhanka amaanka ah, magalada Boosaaso oo ka mid ah magaloyinka ugu muhiimsan ee maamulka Faroole ayaa mudooyinkii dambe la ciirciireysay amaan darro aad u xoogan iyo weeraro qorsheysan oo joogta ah waxaana hadda ku soo biiray weerarada tooska ah ee ka dhacay duleedka magalada.

Mujaahidiinta ka dagaalamaya buuraha Goolis ayaa horaantii sanadkan bayco la galay Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab waxaana ay sheegeen in ay mujaahidiinta la mideysan yihiin ayna ku garabsiinayaan dagaalka ay kula jiraan cadowga Allah.

Mujaahidiinta Goolis ayaa hadda ka dagaalamaya duleedka magalada boosaaso waxaana ay gacanta ku hayaan dhul istaraatiiji ah oo ku wanaagsan maamulka dagaalka islamarkana lagu jahawareerinayo Maleeshiyaadka Ashahaada la dirirka ah.

Posted on April 11, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: