Danjire Nuur Cadde oo Beeniyay in Soomaali laga soo musaafurinaayo dalka Holland

April 12, 2012 – Danjiraha DKMG u fadhiya Xarunta Midowga Yurub ee Biljamka iyo dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya howlaha Safiirnimo ee Midowga Yurub, Safaaraddaha Talyaaniga, Biljamka, Qaxoootiga Soomaaliyeed ee yurub gaar ahaan dalka Nederlan iyo arimo kale.

Nuur Cadde ayaa sheegay in tan iyo markii la furay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Biljamka, ay wax badan kusoo kordhiyeen, isagoo sheegay in ay wadaan dadaal ah in dib looga saaro saaro dad qaxooti ah oo degan Safaaradda, isla markaana ay socdaan nidaamkii looga saari lahaa dadkaasi.

Mar uu ka hadlayay Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa waxaa uu sheegay in dadkii Soomaaliyeed ee deganaa ay ka baxeen, loona helay deegaan, isagoo tilmaamay in ay jiraan caqabado badan oo ku aadan sidii ay dayactir ugu heli lahaayeen Safaaradaha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Biljamka, isagoo xusay in ay jiraan Jaaliyad Soomaaliyeed oo dadaal u gashay sidii loo dayactiri lahaa Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka.

“Soomaali dalka lagu celinayo iyo meel lagu saxiixay ama ay ku heshiiyeen aniga war uma haayo, mana filayo in xiligan heshiis la kala saxiixdo, waayo xiligan uma filaayo in taasi dhaceyso, laakiin qofkii jacleysta in dalkiisa lagu celiyo wuu u madaxbannaan yahay wuuna dooran karaa” ayuu yiri Ambassador Nuur Cadde oo sheegay in uusan la socon heshiis Dowladda Nederland ay la gashay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dowladda ay dadaal xooggan oo dhinaca nabadgelyada ah ay sameysay, hadana lagu howlan yahay dhaqan gelinta Rodmapka si looga baxo KMG-ka.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda Yurub ee ku aadan la dagaalanka burcad badeeda ayuu sheegay in Midowga Yurub kaalin weyn uu ku leeyahay la dagaalanka burcad badeeda isla markaana ay ka warqabaan howlaha Midowga Yurub ee ku aadan Soomaaliya.

Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd ka waran ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya qorshaha ay u joogaan mid ka duwan ayey fuliyaan oo ah iney xaluufiyaan qeyraadka badda Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada Midowga Yurub qorshaha ay ku joogaan Soomaaliya uusan aheyn in ay xaluufiyaan qeyraadka badda Soomaaliya, halkii ay ka xaluufin lahaayeen waxaa loogu talagalay in ay ilaaliyaan oo aysan ku xadgudbin qeyraadka dalka.

Ugu danbeyntii mar la weydiiyay inuu doorashada dhici doonta bisha Agoosto inuu isku soo sharxi doono xilka Madaxweynenimo ayuu ku jawaabay Ambassador Nuur Cadde “Salaad walba xiligeeda ayaa la tukadaa, taasna waxaan jeclahay inaan ka hadlo marka la gaaro”.

Ambassador Nuur Cadde xiligan waa wakiilka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Xarunta Midowga Yurub Biljamka iyo dalka Talyaaniga, wuxuuna horay u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii badalay Cali Maxamed Geeddi sanadkii 2007-kii ilaa Dowladdii midnimada Qaran ee dalka Jabuuti Madaxdeeda lagu soo doortay.

Posted on April 12, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: