Tiro madaafiic ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho

15.04.2012 – Xalay abaarihii 1:30 daqiiqo saq dhexe ee habeenimo xili in ta badan dadku ay hurdayeen ayaa tiro madaafiic ah waxaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada Vila Somalia ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dowlada iyo qaar ka mid ah heyadaha xukuumada Somalia. Dad ku nool xaafado ku yaala nawaaxiga madaxtooyada ayaa sheegay iney maqlayeen dhawaqa ugu yaraan 3 hoobiye oo ku soo dhacay agagaarka madaxtooyada kuwaasoo ay sheegeen iney hurdada ka soo toosiyeen dad badan, waxayna intaa ku dareen in markii uu soo dhacay hoobiyihii ugu horeeyey ay la soo deristay cabsi iyo khal khal badan.

Wararka aanu ka heleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in mid ka mid ah madaafiicdaas uu ku ka dhacay afaafka hore ee guriga uu degan yahay raisul wasaaraha Somalia C/weli Maxamed Cali, halka kuwo kalena ay ku dhaceen gudaha iyo hareeraha Vila Somalia, ilaa hadana lama hayo warar sheegaya qasaare nafeed oo ka dhashay madaafiicdaas.

Waa Markii 3aad ee xili habeenimo ah madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraro xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho tan iyo intii ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM ay ka saareen caasimada xoogaga ka horjeeda ee Al-shabaab, waxaana labo ka mid ah duqeymahaas hore ku naf waayey dad shacab ah oo isugu jira haween caruur iyo dad kale oo ka mid ahaa barakacayaal xeryo ku lahaa xarunta madaxtooyada meelo aan ka fogeyn.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay duqeymihii hore ee qasaaraha nafeed uu ka soo gaaray dadka shacabka ah hase ahaatee ma jiro war ku saabsan duqeyntii xalay oo ka soo baxay dhinacooda iyo dhinaca dowlada KMG Somalia, waxaana duqeyntii xalay ay ku soo aadeysaa xili saraakiisha amaanka dowlada KMG Somalia ay horey u balan qaadeen iney ka hor tegi doonaan duqeymo kale oo lagu soo qaado madaxtooyada.

Posted on April 15, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: