Maxaa Ka Jira In Labada Shariif Dhisteen Maleeshiyo Wajiyada Duuban ?

18 April, 2012 (MMG) _ Sanadihii ugu dambeeyay ayaa Maleeshiyaadka kooxda Shababka ay ku caan baxeen iney wajiyada qarsadaan, isla markaasna fuliya dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanaayo aqoonyahannada si ay ujeedooyinkooda qarsoon u fuliyaan, xaatan oo laga adkaaday Kooxdani ayaa waxaa soo shaac baxay kooxo dilaa ah oo oo ay si hoose u dhisteen Maamulka uu horboodaayo Madaxweynaha Dowlada taagta daran Mr. Shariif Sheekh Axmed, iyagoo samaysatay ciidamada foolka duuban, kuwaasoo howlgalkii ugu horeeyey xalay ka fuliyey degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamadaan Magacooda kagu sheegay Alfa, waxaa la sheegey in ay heystaan tabobar gaar ah, loona xilsaaray fulinta howlgalada gaarka ah iyo ujeedooyinka Kooxda Shariifka.

Ciidamadaan ayaa la sheegay iney qalabeeyeen Dowladaha Mareykanka, Ingriiska & Suudaan, waxeyna ku qalabeysan yihiin qalab casir ah sida kuwa habeenkii boobayaal diirado ku xiran iyo sunta dadka lagu suuxiyo.

Sida laga so xigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Hey’ada nabadsugida, Ciidamadaan ayaa hoos taga Haweeney ka soo jeeda degmada Diinsoor waxeyna gacn saar hoose la leedahay Saraakiisha Sirdoonka Mareykjanka iyo kuwa Suudaan, Ciidamadaan ayaa la sheegay in loo diyaariyay sidii loo caburin lahaa hadiiba ay dhacaan dibadbaxyo iyo Ururada ama Xisbiyada aan oggolaasho ka heysan Maamulka labad Shriif kuwaasoo isku dhaarsaday iney xoog iyo xeeladba ku horistaagaan kooxaha ka soo horjeeda danahooda iyo soo xulitaanka XOdayaasha Dhaqanka iyo Xildghibaanada Dowlada dhowaan la dhsi doono.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in xalay howlgalkii ugu horeeyeyn ay ka fuliyeen degaano hoose yimaada gobolka Benaadir kaasoo aanan la sheegin natiijadiisa.

Warar ayaa sheegaya in ciidamadani ay amarada ka qaataan Haweeneydaan iyo Madaxa nabadsugida kaliyah heystaan, kuwaasoo oo ay ku isticmaali karaan awood badan haddii loo baahdo, islamarkaasina ay si toos ah uga amarqaataan qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa ee DKMG ah.

Xogaha ayaa tilmaamaya sidoo kale sheegaya in la siiyo gunooyin dheeraad ah oo ka badan kana gaar ah kuwa la siiyo ciidamada kale ee DKMG ah, iyadoo la sheegay iney xarumo iyo xabsiyo dhowr ah oo qarsoodi ah durbadiiba looga dhisay dhowr degmo oo ka tirsan Gobolka Benaadir, si loogu hayo dadka la soo qabto iyadoo ilaa haatan la sheegay tiro aad u badan lagu hayo xabsiyadaasi kuwaasoo jir dilo loogu geysto.

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dad badan ugu horyimaadeen Alshabaab ayaa waxaa ka mid ah in askartooda ay foolka duubtaan iyagoo dhexjooga shacabka, taasina waxay keentey in aanan la aqoonsanin qofka loo raacanayo wixii dambi ah oo ay geystaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cabasho xoogan laga keenay Ciidamadaan gaar ah ee DKMG ah kuwaasoo dhibaatooyin xoogan iyo cabsi gelin ku haya aqoonyahannada Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta aan ku mowqifka aheyn kooxda Labada Shariif.

Moment Media Group

Posted on April 20, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: