Xulafada Shariifyada Oo Wada Qorshe Mudo Kororsi Ah

19 April, 2012 (MMG) -Iyadoo lagu wado in bisha Agoosto ee sanadkaan la qabto doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa hadda dadka siyaasadda u kuurgala waxay sheegayaan in qorshahaasi laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado kadib markii Wakiilka UN-ka ay ku wargeliyeen Wakiilada Beesha Caalamka inuusan qorshahaasi aheyn mid cad oo dulduleelo badan ka muuqdaan loona baahan yahay in dib loo dhigo doorashooyinka Aguusto. Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda sida Madaxweynaha, Guddomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa la sheegay iney ku dhiiradeen iney dib boorka uga jafaan in mudo hal sano ah loogu daro dowladda Federaalka ee haatan jirta.

Waxaa bilowday muran ku aadan Dastuurka iyadoo maalmahan ay jireen mucaarado weyn oo lagu hayo Dastuurka Dowladda Federaalka kadib markii Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ay sheegeen in dastuurkaani uu yahay mid aan ka tarjumeynin xal u helida arrimaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in dastuurkaani uu yahay mid mudo soo jiitamay kaas oo lagu bixiyey malaayiin Doolar, sidoo kale waxaa socda mucaarado kale oo ku aadan Road Map-ka iyadoo mar aan Xildhibaanada wax ka weydiinay arrintaan ay noo sheegeen in qalalaasahaan ku aadan dhanka Dastuurka ay wadaan xildhibaano u adeegaya mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda, kuwaas oo doonaya in Beesha Caalamka ay ka dhaadhicayaan in mudada saddexda bilood ah ee dowladda u harsan aan lagu dhameys tiri karin meel marinta dastuurka iyo roadmap-ka.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ayaa waxay noo sheegeen in Shiikh Shariif, Shariif Xasan iyo Cabdiwerli Gaas ay bilaabeen in ay kiciyaan qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aragtidooda taageersan si ay ugu ololeeyaan in waqtiga gaaban ee ka harsan xiliga kala guurka laga dhaadhiciyo beesha caalamka in aan la qaban karin doorashadii Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, sidoo kale guddiga Dastuurka oo mudo dhaqaale badan ku cunay arrinta dastuurka ayaa iyana waxay wadaan olole ay ku doonayaan in mudo sanad ah loogu daro, iyagoo sheegay in aan dastuurka la gaarsiin qaar ka mid ah Gobalada Soomaaliyeed sidoo kalana aan la gaarsiin qurbo joogta Soomaaliyeed.

Muranka ku saabsan Dastuurka iyo Road Map-ka haddii ay si socda waxay qaar ka mid ah Xildhibaanada noo sheegeen in ay fursad u tahay Shiikh Shariif, Shariif Xasan, iyo Cabdiweli-Gaas oo iyagu doonaya muddo kordhin sidey u dhacdey Sannadkii tagey ka dib markii ay is qabsadeen masuuliyiinta Dowladda taasoo sababtey in muddo sannad ah loogu daro islamarkaana meesha laga saaro Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hase yeeshe shirkii London 23 Feberaayo khudbad ay jeedisey Xoghayaha arrimaha Dibada Mareykanka waxay afka ku balaarisey in aan mar dambe la aqbali karin muddo kororsi kale.

Moment Media Group

Posted on April 20, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: