Jaaliyadda Puntland Diaspora Forum ee Norway oo Oslo ku soo dhaweysay duqa degmada G/kacyo Col. Saciid

23 April 2012 – Waxaa caasimada dalka Norway ee Oslo soo gaaray duqa degmada Gaalkacyo Kornayal Saciid Cabdi Faarax oo baryahan safaro shaqo ah ku marayay wadamo ka mid ah dalal Yurubta ah, iyadoona jaaliyadda Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway ugu samaysay xaflad kala warqaadasho ah oo ay ku kulmeen dhamaan qaybaha bulshada ee jaaliyada Puntland ee dagan Caasimada Oslo. Shirkaan oo uu xiriiriye guud ka ahaa afhayeenka jaaliyadda Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway Ciiro Axmed Xassan (Dr. Ligle) ayaa waxaa ugu horayntii lagu soo dhaweeyay Daahir Tooxyare oo ku furay ayadaha quraanka kariimka, intaas kadibna waxaa hadalka qaatay gudoomiyaha jaaliyada Puntland Diaspora Forum ee dalka Norway C/qaadir Maxamed Jaamac.

Gudoomiyahu wuxuu warbixin guud ka siiyay xaaladda guud ee dalka Norway iyo tirada dadka Soomaliyeed ee daggan, sidoo kale ayuu wuxuu gudoomiyahu u sheegay inaay jaaliyadda sharaf iyo hididiila utahay inaay dadka reer Puntland ee dagan Norway gaar ahan casimada Oslo la kulmaan duqa degmada Gaalkacyood Saciid Cabdi Faarax, isagoona gudoomiyuhu kusoo dhaweeyay qalbi furan iyo niyad wanagsan.

Intaas kadib aya waxaa hadalkii lagusoo dhaweyay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax, waxaana uu ka hadlay baahida loo qabo in dadka diasporaha ah ay gacan ka gaystaan taageerida dalkii hooyo gaar ahan magalada Gaalkacyo.

Mar uu gudoomiyahu ka hadlayay arimaha amaanka ee magaalada Gaalkacyoo ayuu waxuu sheegay inuu amaanka gobolka mudug gaar ahaan magalada Gaalkacyo uu marayo meeshii ugu fiicnayad taasna waxaa u sabab ah ilahay ka sakoow jabkii iyo burburkii ku yimid Al-qaacida Soomaliya ee Al-shabaab.

Sidoo kale ayuu waxuu gudoomiyahu carabka ku dhuftay ansaxintii Tastuurka Puntland oo dhawaan lagu ansaxiyay magalada Garoowe inaay tahay horu mar iyo wanaag waana tan ugu dhoow ee cadalad lagu gaari karo in wadanku yeeshu xisbiyo tartama oo ay shacbku soo doortaan, isagoona yiri:


“way dhamaaneysaa reer hebel baa kursiga haysta, waxana dhici doonta in reera badan ay wayaan xukunka oo mid reero yar ka dhashay la doorto inuu umadda hogaamiyo, war dadka lacagi ma deeqdo ee cadalad baa deeqda” .

Sidoo kale mar uu jaaliyada reer Puntland ee dagan dalka Norway la dardarmay gudoomiyahu ayuu waxuu ka codsaday inaay hiil iyo hooba lagarab istagan oo aay horu marka kala shaqeeyan waxuuna yiri reer Norweeyoow waxaad magalada Galkacyo ka dhistan jid ama wado laydinku magac daro barina

calankasomalia : Moment Media Group

Posted on April 23, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: