Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo xil u magacaabay ra’isul wasaare ku-xigeenkiii hore ee dowladda KMG Somalia

06.05.2012 –Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Max’uud (Siilaanyo) ayaa xalay wareegto ku magacaabay xubno uu ka mid yahay Ra’isul wasaare ku-xigeekii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Jaamac (Sifir), kuwaasoo loo magacaabay inay wakiilo uga noqdaan maamulka Somaliland dalal dibadda ah.

Xubnahan ayaa loo kala magacaabay inay wakiilo ugu noqdaan maamulka Somaliland dalalka kala ah Ingiriiska, Canada, Norway, Faransiiska, Sweden iyo Kenya wuxuuna sidoo kale magacaabay waxa uu ugu yeeray danjiraha wareega ee Somaliland.

Ra’siul wasaare ku-xigeenkii hore ee Somalia Mr. Sifir ayaa loo magacaabay inuu Somaliland wakiil uga noqdo dalka Kenya, halka xubnaha kale ee kala ah:- Cali Aadan Cawaale oo loo magacaabay WakiilkaSomaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Marwo Luula A. J. Ismaan oo loon magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo ayaa Sulub Warsame Xuseen u magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway, halka Cali Ismaaciil Xasan oo loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France, Rooda Jaamac Cilmi oo iyana loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden iyo Kaysar C/llaahi Maxamed oo loo magacaabay wakiilka Wareega ee Somaliland.

Waa markii ugu horeysay ee maamulka Somaliland uu xil u magacaabo masuul ilaa heer raisul wasaare ku-xigeen ka soo noqday dowlada KMG Somalia ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, waxaana Maxamed C/llaahi Jaamac (Sifir), uu ka mid ahaa raga aaminsan Somaliweyn kana soo horjeeday gooni isu taaga Somaliland, lamina oga waxa waxa iska iska bedelay fekerkaas uuu horey u qabay.

Posted on May 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: