Faroole Oo Ergadiisa Kala Baxay Shirka Odayaasha Muqdisho

Kadib markii uu fashil ku dhamaaday shirkii ay garwadeenka ka ahaayeen Shariifyada + Gaas+ Mahiiga, ayaa waxaa degaanada Puntland dib loogu celiyay ergadii Odayaasha u mataleeyay Maamulka Faroole, kuwaasoo kadib markii uu cabasho ka muujiyay Maamulkooda Qabyo-qoraalka dastuurka ee (Plan B), ayuu ku soo wargeliyay Odayaashooda iney isaga soo baxaan Shirkaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ergadaan oo markii horaba aysan ku jirin Odayaashii dhabtaa,marka laga raabo tiro yar, waxaan hormuud u ahaa Odagyga Saciid Garaase oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud, iyadoo Islaankii beehsii iyo Kii Cumar Maxamuud iyo Kan Cusmaan Maxamuud ay ka baaqsadeen iney ka qeyb galaan shirkaasi waxeyna u wakiishadeen xubno ay soo xusheen.

Wararka ayaa sheegaya in tirada Odayaasha maantay la sheegay iney dib ugu laabteen magaalada Garoowe ayaa gaaraya 22-xubnood, kuwaas oo saaka diyaarad kuwo UN-ka ah ay ka soo qaaday garoonka Muqdisho.

Xildhibaan Daahir Ciiro oo ka mid ah mudanaayaasha baarlamaanka ayaa u sheegay saxaafadda in ergadii Puntland u mataleysay shirka Muqdisho ay dib ugu laabteen magaalada Garoowe

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay dowladda KMG ah iyo maamulka Puntland oo ku aadan go’aankan ay qaateyn ergada Puntland ka socdota ee ka qeyb galeysa shirka lagu doonayo in lagu soo xulo xubnaha soo dhisaya dastuurka Soomaaliya.

Talaabadaani waxa ay immaaneysa iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu sheegay in uusan ku kalsooneyn dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya, waxa arrintaas ka dambeeyay hadalk uu habeen hore siiyay Radiyaha Dowladda Radio Muqdisho Ra’iisal wasaaraha XKMG ah Soomaaliya Dr. Cabdiwali Cali Gaas, kaa oo uga ka jawaabay warqadii uu qoray Mr. Faroole, isku dayo uu Mr. Gaas ku doonayay inuu Odayaasha ku hakiyo ayaa fashil ku dhamaaday.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warqadaas in ay ku kooban tahay maamulka Puntland oo iyaga ay gaar u tahay, ansixinta dastuurka cusub aan loo fadhin doonin Puntland ama cid kale.

Waxaa waayahan soo badaneysa dhaliilaha loo jeedinaayo dastuurka ay dooneyso in dowladda KMG ah ku ansixiso bisha August ee sanadkan, xiligaas oo ku eg waqtiga KMG ah.

Dowladda KMG ah waxa ay dooneysaa in la dhameestiro dastuurka Soomaaliya, ra’iisal wasaare Gaas oo toddobaadkan tagay goobta shirka odayaasha dhaqanka uu ka socdo ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in dastuurkii 1960-kii Soomaaliya loo sameeyay ay ansixiyeen 110-oday dhaqameyd. laakin maanta ay ku howlan yihiin 130-oday dhaqameyd oo kala yimid gobalada dalka Soomaaliya oo dhan, wuxuuna kula dardaamay ergada ka qeybgaleysa in masiirka Soomaaliya uu gacantooda ku jiro.

QM iyo beesha caalamka ayaa dadaallo ballaaran galinaya shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho.

Posted on May 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: