La Kulankii Wax Iga Bedelay ee Cabdiwali M. Ali Gaas

Maqaalkaygiia ahaa Jaah Wareerkaan iyo Is Qabqabsigaan yaa kamasuula kamasuula  waxaad ka dheehan kartaa, in waayadaan danbe aad iyo aad u adag tahay nin siyaasi ah oo daacad ahi inuu jiro oo dantiisa ka hor marinaya midda dadwaynaha uu masuulka ka yahay ama uu doonayo inuu masuul u noqdo. Siyaasigaas oo Dadwaynuha degaanadaasi uu masuuliyaddiisa qaaday ama doonayo inuu qaado laxaw xanuun ah ku hayaan dhibaha soo gaara, doonayana in dhammaan bulshadaasi ku noolaato farxad iyo barwaaqo ay u wada siman yihiin

Akhristoow waxaan tegey magaalada Istanbul anigoo u socday inaan wax ka ogaado fikradaha Oday dhaqameedyada Somaliyeed iyo Arimo aniga ii gaar ahaa, waxaan nasiib wanaag ii noqotay inaan lakulmo madax ay ka mid ahaayeen Raysal Wasaaraha Somaliya Cabdiwali Gaas, Madaxwaynaha  Puntland Cabdiraxman Faroole, Madaxwaynaha Galmudug Maxamed Caalin, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Shariif Xasan, Wakiilka UN Augustine P. Mahiga iyo Wasiiro kala ahaa Puntland iyo Federalka.

Raysal Wasaaraha Somaliya Dr Cabdiwali Gaas

Akhristoow waxaan nasiib ii noqotay inaan la kulmo Raysal Wasaaraha Somaliya xilli uu isu diyaarinayey inuu ka anbabaxo Turkiga, anigoo la socday Oday doonayey inuu wiil yar uu dhalay oo dhibi ka gaartay meesha laga kaadsho kala hadlo Raysal Wasaaraha siduu wax uga caawin lahaa xaaladaas qallafsan ee haysatay wiilkaa 6 jirka ahaa ee Somaliyeed.

Markii Odaygii bilaabay ka warankii dhibta wiilka yar soo gaartay ayaan waxaan anigu shaqsiyan eegayey wajiga iyo shucuurta warkaas looga waramayey ku saamaynaysay Cabdiwali Gaas, anigoo uga dan lahaa inuu sidii aan uga bartay madaxda u dhagaysanayo iyo in uu ruux bini aadam ah oo naxariis leh yahay kala eegayey.

Akhristoow intuu Odaygii warkii waday oo aanu wali u dhamaystiran ayaa Cabdiwali Gaas wajigiisii is bedeley sidii nin dhiilo naxdinihi ku timi oo hadal cod naxariis iyo ka nixed ka muuqanayso ku yiri wiilka dhakhaatiirka waddankaan maanay wax u qaban. Markii odaygii uga waramay xaaladduu kala kulmay dhakhaatiirta ayuu u yeeray shaqaalihii xoghaynta oo la socday kana codsaday inay soo ogaadaan arimaha wiilka cusbitaalada wax ka qaban kara sida ugu dhaqsaha badanna  xilna laysaga saaro sidii wiilkaa yar dhibtiisa wax looga qaban karo oo aan laysku ladin. Odaygiina ka codsaday in maadaama ay waqti ay dhoofayeen ahayd uu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyo waraaqihii wiilka dhaqaatiirtu ka qoreen, nin turkiga joogay oo nala socday ka codsaday inuu soo diro waraaqahaas iyo cidda shaqada kuleh ama cusbitaalada wax ka qaban kara arinta wiilka.

Sawirka Bidixda Waa Eng Abdirashiid Abdi Daad Midigta R/W Abdiwali M Ali Gaas

Akhristoow waxay arintaasi igu noqotay fajac aanan marna filayn oo aanan ka filayn nin madax ah oo waqtigaan jooga Somalina ah…. Sababtoo ah waxaan uga bartay madaxda waqtiyadaan danbe inay yiraahdaan wax aan ka qaban karo ma jirto waase ka qaban lahayn hadaan wax ka qaban karo balse waxaan isku dayeeynaa inaan dad arimahaan qusayso la hadalno annagaana kugu soo war celin doona ee meel lagaala soo xiriiro ka tag iyagoo uga dan leh is dhaafi oo hakaa hor kaco.

Akhristoow markii intaasi hortayda ka dhacday oo aanay ahayn arin ah waalaygu yiri ahayn ayaan anigii kala bad batay oo ku waashay mahadsanid iyo Allah hakaa ajar mariyo sida wanaaga ah ee aad u qaabishay una dareentay dhibta haysata wiilkaa yar iyo Aabihiis… waxaana ka codsaday in qadar yar oo khaas ah aan la hadlo… waxuu iigu jawaabay haye sahalkaasi jawaabta ah iyana waxay ugu noqotay arin aanan filayn…. Sababtoo ah waxaan is lahaa wuxuu oron doonaa waqti ma hayo safar ayaan u xirxiranahay oo waad aragtaa…. Waxaa markiiba istaagay Odaygii iyo ninkii nala socday…

Akhristoow markii aan kali ku noqday Raysal Wasaare Gaas ayaa waxaa is iri bal mowjaddii ka saar oo ka warayso arimo kale intaadan u gudbin arintaan islahaa kala hadal…

Akhristoow waad taqaan hadal tirade Somalida Markaan Magacayga usheegay ayaan anigoo waxaan uga danleeyahay aan garanayn malaa beer dulucsi ayeey iga ahayd waxaa iga soo baxday Suaal ku saabsan qaraxii ka dhacay tiyaatarka waxaan iri anigoo ugu yeeraya Magaciisa oo aan cinwaan wadan…

Cabdiwali  iiga waran Qaraxii tiyaatarka iyo saamayntuu kugu yeeshay?

Waa suaal uusan iga filayne markaan sidaas iri ayuu I waydiiyey Magacayga inaan ugu celiyo iyo meesha aan ka imi… markaan u sheegay ayuu iyiri…

Cabdirashiid Waddankii waxa ka dhacayey waad maqli jirtay…

Bal ka waran Islaanta caruurteedii uga tagtay dayrka guriga iyagoo cayaaraya oo suuqa adeeg u doonatay oo intay adeegga ku maqnayd madfac meel laga soo riday aan la aqoon ku habsaday caruurtii  oo markii ay soo noqoto dad ooyaya la kulan tay markii ay ku soo oroday caruurtii hilbahoodii goo go’een oo markaa madax meel yaal qabsatay oo baruur qarracan uurkutaalo aflabadii yeertay…

Bal ka waran hooyo iyo aabe wiilkoodii duul ka xoog badani laba dibble u xireen oo waa gaalo raac leeyihiin oo hortooda kurka kaga jaraya cid ay cawaan sadaan haysan oo aan xataa qaylin karin oo ka baqaya in iyagana lagu daro oo ilmadu soo dhaafayso itaal la’aan miciin la’aanta haysata…

Bal ka waran aroortii adigoo soo toosay oo meel lagu buuqsan yahay oo sawaxan ka baxayo usoo dhaqaaqay mise waxaa yaala dhashaadii mid ka mida oo madaxu agyaal dhib aad ku ogaydna uusan jirin  qarracanka ay leedahay oo waalidkaas haysta…

Bal ka waran gabdho yar yar oo guryahoodii laga kaxaystay oo aaboow hooyeey leh oo aan waalidkood oran karin noodaaya caruurta lana leeyahay waxaa loo guurinayaa mujaahidiinta gabdhahaas yar yar oo aan cidi waydiinayn dareenkooda oo itaal la’aan la ooyaya waalidkii dhalayna isha ka mirig mirig siinayaan oo aanay waxba u qaban karin qaracanka iyo calool xumada ay leedahay…

Akhristoow Cabdiwali Gaas oo indhihiisa ilmo isku soo taagtay ayaa iyiri isagoo magacayga iigu yeeraya….

Cabdirashiidoow wax aniga isoo gaaraya ama igu dhaca oo afxumaan iyo been abuur badan iyo dhibo kale sida qaraxaas waxaa igala daran arimahaas iyo kuwa kasii daran waxaana Ballan Rabi ku qaaday inaan arimahaas wax ka qabto anigoo Allah SWTC tala saaranaya… waxaa iga go’an

  1. in aan hooyo danbe barooran oo aanay ka walwalin habeenkii masoo toosaysaa adiga iyo eheladaada oo wada dhan…
  2. in aan waalid danbe eegan dhashoodii oo hortooda lagu gawracayo
  3. in dhallinyaradu habeen iyo maalin meeshay doonaan ku cayaaraan iyagoon ka baqayn in la laayo.
  4. in eheladu habeenkii farxad iyo kaftan ku caweeyaan iyagoon ka wel welayn in madfac ku habsado.
  5. in aan la soo toosin subaxdii oo lagu waa bariisan maydad madaxyadii laga gooyey.
  6. in aan cidina cid khasab kaga haysan hantidoodii iyagiina cidla jiifaan oo dayac iyo saxiir ka dhergaan.
  7. in dhammaan bulshada Somaliyeed hesho Nabad ay u wada Siman yihiin  Sharci ay u wada Siman yihiin wax barasho ay u wada Siman yihiin xoriyad ay u wada siman yihiin iyo inay baqdin la’aan mari karaan meeshay doonaan iyadoon cid is hortaagayso jirin ama ay ka cabsanayaan…

Akhristoow anigoo runtii indhahayga ilmo kulayl badani isku soo taagtay ka dib markaan arkay sida Cabdiwali wajigiisu yahay markuu iisheegayey warkaas kore ayaa waxaa noo yimi oo yiri waxaan nahay diyaar nin Xooghaynta Cabdiwali ka mid ahaa…

Cabdiwali haye intuu yiri ayuu igu yiri Cabdirashid qarax yar ayaad I waydiinaysaa waxaas ayaana dhacaya sidaan uga samata bixin lahayn ayaan u xirxiranahay marka hawlahaas ka qayb qaado waana waajibaad ku saaran oo ruux kasta oo Somaliya saaran inay ku dadaalaan sidii caqabadahaas ku habsaday bulshadii Somaliyeed ee magaca iyo sharafta lahayd ay uga samata bixin lahaayeen

Markuu sidaas I yiri ayuu istaagay oo I yiri khayr ayaan kuu rajaynayaa waan baxaynaa… markaas ayaan istaagay anigoo qiiro iyo wadani nimo aan illaaway iwada qoysay jirkaygana jiriirico wada saaqday oo anigoon is ogayn ku iri Ilaah Safar Salaama haydin Yeelo oo usoo dhaqaaqay dhankii albaabku iga xigay.

Akhristoow waxaan u imi anigoo aan is ogayn Odaygii iyo ninkii  kale ee aan la socday markaas ayeey I yiraahdeen ma wada hadasheen Raysal Wasaaraha….

Markaas ayaan ku iri waxaan maanta la kulmay nin  wax badan aragtidii aan ka qabay siyaasiyiinta oo dhan iga bedelay oo I tusay in ay wali jiraan dad garanaya wanaaga iyo waxa bulsho u baahan tahay kana damqanaya dhibaatada Somaliyeed… markaas ayaan Raacshay…..

Wallaahi Cabdiwali Gaas waa Madax waynihii ay Somalidu kaga bixi lahayd dhibaatadaan 21 sano ku habsatay….. oo sii raacshay anigoo Gacmaha kor utaagaya….. Rabbiyoow Cabdiwali Gaas isu sharaxaa Madaxwayne Dadkuna u doortaan garabkiisana istaagaan oo Rabiyoow aragtidaas uu qabo u sahal ku salayn soo cilintii Nabaddii iyo sharaf kuwada noolaashihii Ummadda Somaliyeed oo Dhan…..

Posted on June 13, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: