Xiligaan Maxaa Isku Keenay Mr.Farmaajo & Mr.Gaas Nairobi

image

Maalmahaan magaalada Naiorbi waxey madal u aheyd xubno Musharaxiin Soomaali ah oo hami uga jiro iney isku soo sharaxaan xilka Madaxtinimada dalka oo bisha agoosto lagu wado in la qabto, Musharixiintaan ayaa la sheegay iney dhaqaale badan ku bixinayaan sidii ay uga soo dhex muuqan lahaayeen, waxaana ka mid ah Ra’iisul wasaarayaashii hore Cali Maxamed Geedi, Maxamed Cabdulaahi farmaajo, xubnahaan iyo kuwo kale ayaa la sheegay iney dhaqdhaqaayo ka bilaabeen magaalada nairobi si ay ugu diyaar garoobaan doorshada soo socota.

Saacadaha soo socda, ayaa la filayaa inuu Caasimada Kenya ee Nairobi uu soo gaaro Ra’iisul wasaaraha Dowlada KMG ah oo maalo ka hor ka tagay magaalada, waxaana dad badani ay is-weydiinayaan maxaa xiligaan dib deg deg ugu soo celiyay Magaalada miyuu qeyb ka yahay Isbheysiga Wasiirkii 1aad ee hore Mr.Maxamed C/laahi Farmaajo oo muddo 3 maalmood ku sugan magaalada Nairobi, mise waa dhexdhexaadiyo labada garab ee Aala Sheekh inkastoo uu si hoose Mr. Gaas uu u sheegay gacanyarayaashiisa inuu Musharax yahay, xilkeese??.

Iyadoo ay dhaqdhaqaaqani si muuqta looga dareemay magaalada, ayaa haddane khubiirka aad ula socda aarimaha siyaasada koox-diimeedyada ee Wadanka.com Mr.Dacaad, ayaa wuxuu farta ku goday, in Imaatinka Mr.Farmaajo magaalada iyo dib u soo laabashada deg deg ah ee Ra’iisul wasaarha Dowlada KMG ah Mr.Gaas uu tuhun weyn dhalinaayo inuu jiro xiriiro aan dhamaan ee labada nin u dhaxeeya kaasoo ku aadan iney ka wada tashtaan sidii ay xoogagooda isku biirin lahaayeen, bacdamaa Mr.Gaas uu meesha ka saaray Mr. C//maan Faroole oo naceyb aan qarsoonin u hayay Mr.Farmaajo, iyo sidoo kale Garabkii Aala Sheekha ee Shariifka Hormuudka ka ahaa oo aan u qoonsaday sumacada uu ja kasbaday Mr.Farmaajo bulshada Muqdisho, taasoo ka degi weysay Shariifka kooxdiisa, waxaana ay horseeday xilka laga xayuubiyo dhamaan xubnihii xerta ahaa ee ugu horeeyay Mr.Farmaajo, xiligaan doonaya in dib loo islaaxyo Xarakada, ergo ahaana uu u soo dirsaday Mr.Gaas.

Xiligaan si cad looma oga Gabaryadaan Aala Sheekha ee dirirsan iney heshiinayaan, inkastoo isku dayo badan ay fashilmeen, waxaase cad iney xiligaan doonaayaan iney mideeyaan xoogooda si ay meel uga soo wada jeestaan gabaryada kale oo ay ugu horeeyaan kuwa Islaax oo xiligaan Musharax madax banaan soo shaac bixiyay, Mr. Gaas ayaa looga fadhiyaa inuu mideeyo Aala Sheekha Muqdisho iyo kuwo qurba joogta ah kuwaan dambe ayaa taageero xoogan ka heysan Jaaliyadaha kala duwan taasoo ku dhiiri gelisay iney dhistaan Urur gaar ah oo ay madax ka tahay Haween Wasiir ka soo noqotay Xukuumadii Farmaajo, War jiraaba Cakaaro la keenaya.

Posted on June 13, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: