Faahfaahin Dheeraad Oo Laga Helaayo Kulanka Waqooyiga & Konfurta Somaliya

image

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah kuna dhow saraakiisha Dowlada KMG ah ayaa sheegaya in wada hadalada ay dhowaan yeelan doonaan maamulada Muqdisho & Hargeysa ayaa sheegaya iney ku jiraan ajndayaasha shirkaasi laba arimood oo kala ah, maxey wadaagi karaan Konfurta & waqooyiga somaliya oo ku heshiin karaan iyo midnimada maxaynu ku bedelanaa, bacdamaa Ergada waqooyiga ay sheegeen in dadkeeda ay xasaasiyad ka qabaan.!

Xogtaan ayaa tilmaamtay in kulankaan oo furmi doono 21ka bishan oo ah maalin khamiis ah, kulankaan ayaa lagu wadaa inuu noqo mid gogol xaar iyo is barasho, iyo arrimaha amaanka, iyadoo la sheegay in Ajandayaasha ay soo diyaareen Dowlada Boqortooyada Ingriiska, waxaana la sheegay wakiiladaan oo ka kooban min 5 xubnood oo ka kala socda Konfurta iyo Waqooyiga, wuxuuna Kulankaan ka dhacayaa magaalada London.

Wada hadaladaan ayaa la qorsheeyay iney muddo socon doonaan, isla markaasna dhowr dal lagu qaban doono inta heshiis guud ah ka gaaraayaan, iyadoo saraakiisha Dowlada Ingriiska iyo kuwa Mareykanka ay korka kala socon doonaan habsami u socodka kulankan, waxaana dhinacyadaan lagu wargeliyay iney ka ilaaliyaan iney caqabado hordhigaan geedi socodka Kulamadaan, iyadoo kan xiga lagu wado inuu ka dhaco dal Carbeed, waxaana xiligaa la qorsheeyay iney markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah wada yeelan doonaan Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mr. Axmed Maxamud Siilaanyo.

Wararaka ayaa sheegaya in saraakiisha dawlada Ingiriisku dhex joogi doonto labada dhinac oo wixii farqi ah ama qodobada laysla fahmi waayo isu soo jiidjiidi doonto, iyadoo filaayo in shirkaas gogol xaarka ahi natiijo wanaagsan dhalo, islamarkaana ka soo baxaan Ajeendayaal hordhac ah oo lagu lafu guri doono shirka London kulankaani ka xige oo la filaayo inuu ka dhaco Khaliijka.

Posted on June 15, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: