Ujeedada Ka Dambeysa Booqashada Madaxweyne Shariif Ee Afgooye

Muqdisho (MMG) Madaxweynaha KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beryahan booqasho ku joogay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo bishii hore dhamaadkeedii ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Shariif wuxuu mudo labeen ah seexday beerta Sheekh Zayed ee degmada Afgooye, waana markii ugu horeysay oo meel ka baxsan Muqdisho oo ah gobolada laga saaray Al-Shabaab uu madaxweynuhu habeen ku hoydo taasoo xaqiiqo ahaan micne weyn ugu fadhida saraakiisha xarunta Villa Soomaaliya iyo madaxweynahaba iyadoo ay muuqato in qorsheyn ay ku timid booqashada madaxweynaha.

Warar ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweynuhu uu qorsheynayo inuu mardhow booqdo degmooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne oo ka mid ah meelaha ay horay ciidamada dawlada oo gacan ka helaya kuwa Ethiopia kala wareegeen ururka Al-Shabaab.

Muhimada booqashada xilligan

Sida dadka ka faalooda arimaha siyaasadda ayaa durba bannaanka soo dhigay illaa saddex arimood oo waaweyn oo la sheegayo in madaxweyne Shariif ay waqtigan ku kaliftay booqashada deg dega ah ee uu ku tagay Afgooye, dhowaana uu ku qorsheynayo inuu tago magaalooyin kale.

– Xilliga doorashada: Waqtiga ku-meelgaarka ah oo ku eg bisha Agoosto kadib, wuxuu madaxweynuhu daneynayaa (siduu isaguba sheegay) inuu ka qeybgalo tartanka madaxtinimada ee dhacaya 20-ka Agoosto oo ay hadda ka harsan tahay 60 maalmood oo kaliya, sidaasi darteed ahmiyad weyn ayey u leedahay madaxweynaha iyo dadka u ololeynaya inuu tago degmooyinka laga saaray Al-Shabaab si uu u kasbado niyada qabiilada dega degmooyinkaasi.

Tani waxaa kaloo muhim ka dhigaya, sida dadka siyaasadda ka hadla ay qabaan, kaalinta oday dhaqameedyada beelaha ku leeyihiin soo xulista baarlamaanka cusub, waxaana taageerada qabiilada ay xilligan noqoneysaa mid ka qiimo badan dahabka.

Madaxweyne Shariif wuxuu hadda u muuqdaa mid ololihiisa sii kululaynaya oo toddobaadkan waxaa xitaa markii ugu horeysay kulan dadweyne oo Muqdisho ka dhacay lagu arkay mid ka mid ah labadiisa xaas oo sida looga bartay aan horey u iman jirin kulamada dadweynaha ama ay ka khudbeeyaan xitaa haddii kulanka uu ka dhacayo madaxtooyada gudaheeda.

– Taageerada ciidamada: Dagaalada ay hormuudka tahay DKMG ah oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho ayaa bishan horraanteedii u talaabay dhanka gobolka Shabeelaha Hoose taasoo dawlada siisay fursad ay ku hanato caasimada iyo deegaanada ku hareereysan oo dhan, sidaasi awgeeda booqashada madaxweynaha ee Afgooye waxay dhanka kale ka dhigan tahay dhisida niyada ciidamada iyo muujinta isgarab taagooda.

Caadi ahaan, waa wax dhaca in madaxda ay booqdaan furimaha dagaalka markasta si sare loogu qaado niyada ciidamada iyo saraakiishooda loona tuso sida raaliga looga yahay.

Dadka qaar waxaa aad u soo jiitay markii 29-kii bishii hore kolonyo uu la socday madaxweynaha lagu weeraray jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye kadibna isla maalmo kadib madaxweynuhu wuxuu ku laabtay Afgooye.

– Ka hortagga xadgudubyada ciidamada: Booqashada Sheekh Shariif waxay kaloo soo timid xilli ay sare u sii keceen xadgudubayada dilka, dhaca iyo kufsiga ee ay ciidamada dawlada ka geysanayaan degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo bishii May aakhirkeeda laga saaray Al-Shabaab, waxaana sii kordhay cabashada dadka deegaanka Afgooye ay ka bixiyeen askarta dawlada, iyadoo mudadii labada habeen ee madaxweynaha uu joogay Afgooye kulamo aan kala go’  lahayn la qaatay odayaasha degmada kuna canaantay saraakiisha ciidamada inay tallaabo adag ka qaadaan askarta shacabka dhibaateyneysa.

Si kastaba ha ahaatee, waqtiga doorashada madaxtinimada ayaa ah bisha Agoosto oo labo bilood kaliya ay ka harsan yihiin, waxaana taa barbar socda tirada musharixiinta dawlada dhexdeeda iyo banaankeeda ka imaanaya ee shaaca ka qaaday inay u tartami doonaan kursiga madaxtinimada mudada soo socota, waana arimaha dhamaan welwelka gelinaya madaxweyne Shariif oo horey u sheegay inuu mar labaad u taagan yahay kursiga madaxtinimada dalka.

Natiijada doorashada Agoosto, ma ahan mid shacabweynaha laga filayo inay go’aan ka gaaraan ee waa mid ku xiran 275 mudane ee qaabka 4.5 ku iman doona kuwaasoo la sameyn doono bisha July, sidaasi darteed waxay talada ugu dhow dahay musharraxa ay iyaga u codeeyaan, waxay rabaan haku doorteene.

Posted on June 15, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: