Dib u dhac ku yimid dastuurka cusub ee maanta lagu soo bandhigi rabay Muqdisho, iyo muran ka dhex aloosan madaxda DKMG ah

Waxaa dib u dhacay munaasabad maanta lagu waday iney ka dhacdo magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigi rabay dastuurka cusub ee dalka loo sameeyey si loogu maamulo shanta sano ee soo socota.

Dastuurka qabyada ah oo maanta loo soo bandhigi lahaa heyadda culimada Soomaaliyed si ay u soo aqristaan ugana talo bixinaan haddii ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya shareecada islaamka ayaa guddigii soo bandhigi lahaa waxay sheegeen in arimo farsamo awgeed aysan maanta soo bandhigi karin dastuurka.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ayaa sheegay in dastuurka uu weli ku maqan yahay madaxda dowlada Somalia, iyagoo xusay in sabtida dambe aysoo bandhigi doonaan si culimada loogu wareejiyo.

 
Warar ku dhow ku dhow xarunta madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamanka iyo raisul wasaaraha ay halkaas ku leeyihiin shir albaabadu u laaban yihiin iyagoo ka arinsanaya is maan dhaaf ku saabsan dastuurka oo soo kala dhex galay kaasoo salka ku haya midkii la soo bandhigi lahaa labo dastuur oo la isku bar bar wado.

Labada dastuur midkood ayaa waxaa la sheegay iney wadaan guddiga madaxa banaan iyo guddiga khubarada ee dastuurka kaasoo ah kii ay mudada 7-da sano ah ka soo shaqeynayeen, waxaana dastuurkaas taageersan madaxweynaha, iyadoo dastuurka labaad oo wax badan ka duwan kaas uuna dabada ka riixayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ay wadaan raisul wasaare Gaas iyo wasiirkiisa dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Labada dhinac ayaa waxaa u dhexeeya sida wararku sheegayaan muran salka ku haya dastuurka la gudbinayo kan uu noqonayo, waxaana madaxweynaha uu diidan yahay in dastuurka uu wado wasiirka dastuurka uu noqdo kan ugu dambeeya ee la gudbinayo halka dhinaca RW Gaas laga taageersan yahay dastuurkaas.

Posted on June 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: