Kulanka Odayaasha Dhaqanka Oo La Horeeyay Qabyo-Qoraalka Dastuurka

image

Warar laga helay Saraakiisha Dowlada KMG ah ee Maamusha Kulanka odayaasha dhaqanka Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho ayaa saakay sheegay inuu markale dib u furmaya, wada tashigooda, iyadoo markii ugu horeysay la horgeynayo goobat uu kulanku ka soconaayo qabyo qoraalka dastuurka cusub ee dhowaan la diyaariyey.

Wararkaan ayaa sheegayaan in qeybo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka ay sheegeen in saakay kulankooda uu yahay mid muhim u ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo lagu wado in lagu lafo guro qabyo-qoraalka dastuurka cusub, isla makraasna loo diyaariyay khubaro gacan ka siisa sidii ay u fahmi lahaayeen, isla markaasna laga baadi goobo hadiiba ay jiraan qodobo lidi ku ah Diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.

Kulankaan ayaa lagu wadaa inuu dhowr maalmood socda, si loo fahamsiiyo nuxurka qabyo qoraalka dastuurka, waxaana la rajeynayaa in odayaasha dhaqanka marka ay fahmaan kadib ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo ergooyinka ka kooban 750 xubnood ee beelaha Soomaaliyeed, kuwaas ayaa la filayaa iney ansixiyaan dastuurka cusub kadibna ay ka soo saaraan wixii talo ah ee ay doonayaan inay ku biiriyaan ama wixii isbedel ah ee lagu sameynayo.

Suldaan Warsame Ibrow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in odayaasha aysan aqbali doonin wax dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diintooda wax u dhimaya, isagoo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in caqli iyo xikmad ah wax loo saxo.

Masuuliyiin ka tirsan guddiga dastuurka iyo xukuumadda KMG ah ayaa la rajeynayaa inay saakay tagaan shirka odayaasha dhaqanka si ay faahfaahin uga bixiyaan marxaladihii uu soo maray qorida dastuurka cusub.

Posted on June 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: