Khilaafkii Dastuurka Oo Saameeyay Mr. Shariif & Mr.Gaas

image

Waxaa soo shaac baxaaya khilaaf aan sidaas u burneyn oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed & Ra’iisul wasaaraha Xukuumadiisa Mr.Cabdi-weli Gaas, kaasoo sababay inuu baaqdo kulan wada tashi oo ay wada yeelaan Dowlada KMG ah & Dalada Culimada Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in maantay oo Sabti ah June 16 lagu waday inuu qabsoomo Kulan looga arrinsan lahaa Qabyo Qoraalka dastuurka cusub, kulankaan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay Dowlada KMg ah, gudiga diyaarinta dastuurka & Dallada Culimada Soomaaliyeed kaasoo lagu waday inuu ka dhaco Xarun ku taal Xeradii xalane ee magaalada Muqdisho.

Markii Goobta ku soo xaadireen Guddiga Culuma’u diinkii ka socdey Hay’ada Culimada Soomalaiyeed oo uu horkacayey Gudoomiyahooda Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa Xubno ka socdey Guddiga Dastuurka waxay u sheegaan ka qaybgalayaashii in maanta aysan suurta gal ahayn in laga doodo Dastuurka Qabyada iyagoo sheegey in ay jiraan Arimo farsamo, waxay Guddiga ay sheegeen in Sabtida Soo socota Culimada la horkeeni doono Dastuurka qabyada si ay iyana uga doodaan qodobada Qaar.

Qaar ka mid ah Culamadii dooneysey in ay ka qaybgalaan Dooda Dastuurka ayaa si weyn uga caroodey Baaqashadaas waxayna Codsadeen in loo faahfaahiyo arrimaha Farsamada ee baajiyey Kulanka hase yeeshee Guddiga Dastuurka ayaa ku gaabsadey in kulanka uu u baaqey arrimo farsamo , waxay kaloo ay sheegeen Guddiga in labaatanka Bishaan la soo badhigi doono Magacyada 850 Xubnood ee Ansaxinaya Dastuurka iyadoo 1 Luuliyo si rasmi ah loo ansaxin doono Dastuurka.

Warar aan helney ayaa sheegaya in Baaqashada Kulankaan loogu yeerey Culimada in ay ka Tala bixiyaan Dastuurka Qabyada in ay ku timid Khilaaf u dhaxeeyey Madaxda Sare ee Dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG ka dib markii ay isku qabsadeen hadal ka soo yeerey Wasiirka Dastuur Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ee ahaa kala diristii Gudigii Dastuurka iyo kii khuburada iyadoo Madaxweynaha uu diidey kala diristaas, halka Raiisul Wasaaraha uu la saftey Wasiirka oo iyaga ku doodaya in Guddiyadaan uu dhamaadey Waqtigoodii.

Sidoo kale, khilaafkii u dhaxeeyay Guddiga Diyaarinta Dastuurka iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa gaaray heer kala fursho ah, waxaana lagu sheegay in laba dhinaca mid weliba uu soo diyaarsadey Dastuur u gaar ah oo mid weliba wax laga badeley, iyadoo xiisadani u dhaxeeya labada dhinac ay soo jiitameysay in muddo ah Madaxa Dowladana ay saameysay, iyagoo la kala saftay labada dhinac

Posted on June 18, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: