Maamulka Somali Land Oo Shaaca Ka Qaaday Mowqifkooda Shirka Londdon

image

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka la magic Baxay Soomaali Land Maxamed Cabdullaahi Cumar oo manta Magaalada harggaysa ka dhoofay ayaa ka hadlay Mowqifka Maamulkiisa ee ku aaddan Shirka Dawladda Soomaaliya iyo Soomaali Land Arbacada soo socota uga Furmaya Magaalada Londdon ee Carriga Ingiriiska.

Maxamed Cabdullaahi oo inta uusan halkaa ka duulan war baahinta la hadlay ayaa sheegey in mowqifkoodu uu Cad yahay isla markaana ay la kulmayaan Wafdiga ka imaanaya dhinaca TFGda waa siduu hadalka u dhigaye.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Somali Land ayaa ugu horeynba sheegey in qodobka ugu horreeya ee shirkaas ay ku soo ban dhigayaan in ay tahay Somaliya ay kala hadlaan sidii ay u Ictiraafi lahayd gooni isku taagga Somali land arrintaas oo uu sheegey in sidoo kale Beesha Caalamkana ay arrintaa hor dhigi doonaan.

madax Banaanida Somali Land waa mid lama taabtaan ah, isla markaana shacabka Reer Somali land ay arrintaa ahmiyadda siinayaan” ayuu Wasiirku yiri isagoona intaa sii raaciyay in wixii kale ee arrima ah ee Soomaalida kala dhaxeeya aan iyaguna meesha laga saareyn.

  

Wasiirka ayaa sheegay oo kale in shirkan uu yahay kii u horeeyay ee labada dhinac si ka fool ka fool ah ay isu soo hor fariistaan isagoona muddo soconaya.

 Maxamed cabdullaahi ayaa sheegey in dhankooda ay shirkaas uga qayb galayaan Illaa Shan xubnood oo uu isagu hoggaaminayo isagoona raja wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi ay guulo la taaban karo ka soo baxaan.

 Hadalkan uu shaaca ka qaaday Wasiirka arrimaha Dibadda  ee Somali Land ayaan ahayn kii u horeeyay oo ay ku dhawaaqaan muddo dheerna waxa ay wadeen sidii mar uun Soomaaliya ay uga madax banana lahaayeen iyagoona sheega in ay yihiin Dawlad jirta oo Diimuquraadi ah, wax shaqa ahna aan ku lahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba Shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Londdon ayaa Madaxda ugu sarreysa Dawladda federaalka Soomaaliya waxa ay ka dhawaajiyeen inay ka xun yihiin dhibaatadii ku dhacday walaalahooda Soomaali land isla markaana aanay gor gortan galeyn Midnimada Soomaaliya.

Posted on June 18, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: