Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor Dhow Ka Duulaya Garoonka Diyaaradaha Harggaysa

image

Madaxweynaha maamulka la Magac baxay Soomaali Land Axmed Siilaanyo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Harggaysa isagoona ku sii jeeda Dalka Isu tagga Imaaraadka carabta.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in wada hadal uu kula qaato Dalka Imaaraadka Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed.

Shirkan lagu wado inlabada Hoggaamiye ay ku yeeshaan Dalka Isu Tagga Imaaraadka ayaa waxaa uu daba joogaa Shirkii Heerka wasiir ee dhawaanta ka dhacay Magaalada londdon ee crriga Ingiriiska.

Siilaayo iyo Shariifka ayaa waxaa ay sii anba qaadayaan heshiisyadii dhawaan ka dhacay dalka Ingiriiska si ay u sii akidaan ama ay u sii adkeeyeen qodobadii sideeda ka koobna ee hore labada dhinac ay uga wada hadleen.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo wafddi uu hor kacayo ayaa iyaguna iminka ku sii jeedaa halkaas iyadoona la filayo maalmaha soo socda in wada hadalku uu si rasmi ah halkaa uga bilaaawdaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ah oo safarkaas ku weheliya Madaxweynihii Hore ee Somali Land Daahir Riyaale iyo xubin ka mid ah Axsaabta Mucaardka.

Dhinaca kale Magaalada harggaysa ayaa habeenkii xalay waxaa ka dhacay Munaasibad lagu maamuusayo sanad Guuradii laba iyo kontonaad ee ka soo wareegtay Markii Maamulkaasi uu madax banaanidiisa ka qaatay Gumeysigii Ingiriiska.

Munaasibaddaas xalay ka dhacday qasriga madaxtooyada Magaalada harggaysa ayaa waxaa ka qayb galay illaa Todoba Boqol oo qof oo gaarkood ajaaniib ahaayeen halkaasoo khudbbad ballaaran uu ka jeediyay Madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba Somali land ayaa hore u sheegtay in Maalinta qaranimada dalkaas ay tahay markii ay ka goosteen Gobolada Koofureed sagaashameeyadii taasoo loo sameeyo Munaasibad ka weyn tan 26ka Juun.

Posted on June 27, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: