Shirkii Ansixinta Dastuurka Oo Mar Kale Maanta Dib U Dhac Ku Yimid.

image

22 July, 2012  – Iyadoo la filayay in Maanta Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweynihii soo Xulidda Ergada ansixinaysa dastuurka Dalka ayaa mar kale uu dib u dhac ku yimid.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda dastuurka Cabdikariin oo saxaafadda la hadlay ayaa arrintaa ku macneeyay dib u dhac dhinaca farsamada ah isagoona sheegey in ay jiraan Odoyaal ka tirsan kuwa iminka uu shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho oo aan soo gudbin Odoyaashii Ergada.

Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daraya in sababaha odoyaashaasi u soo gudbin la’yihiin Odoyaashii u mateli lahaa anixinta in ay tahay is qab qabsi u dhaxeeya.

Cabdikariin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in is qab qabsigaas iyo farsam xumadaas jirta laga gudbayo isla maantana la soo dhamaynayo wixii khilaafaad ah ee jira.

Furitaanka shirka ayuu raja wanaagsan ka muujiyay Wasiir ku xigeenku nuusan dib uga dhacayn maalinimada berry ah isagoona intaa ku daray in haatan ay ku hawlan yihiin sidii ay u so oaf jari lahaayeen dhamaanba caqabadaha taagan iminka.

Ma aha markii u horeeyay oo sidan oo kale dib u dhac uu ku yimaado Shirka ansiixnta Dastuurka iyadoo maalinimadii sabtida ahayd ee aynu soo dhaafnay ay ku beegneed ballantii u danbaysey ee  la doonayay inuu shirku ku qabsoomo ha yeeshee uu dib u dhacay ilaa Maanta oo Isniin ah.

Si kastaba maalinimada Beri ah aya ala filayaa in mar kale shirka uu ka furmo Xarunta Iskoolo Buluusiyo halkaasoo lagu diyaariyay dhamaanba hawlihii Tashiilaadka u ahaa najaxinta Shirka.

————-

There is creative reading as well as creative writing.

Posted on July 23, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: