Tirada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya oo La Kordhiyey

Muqdisho July 23rd, 2012 – (MMG) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa goordhow magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la kordhiyey kadib markii uu codsi ka yimid odayaasha dhaqanka.

“Waxaad iga codsateen in tirada baarlamaanka cusub oo ajhayud 225 laga dhigo 275, waxaana idiin xaqiijinayaa in codsigaasi la aqbalay” ayuu yiri Auguistine Mahiga oo goordhow khudbad u jeediyey dayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

Mahiga wuxuu odayaasha ku dhaliilay inay kaalintooda ka soo bixi waayeen kadib markii, sida uu hadalka u dhigay ay ku fashilmeen hawshii loo igmaday ee ahaa inay soo qoraan liiska odayaasha dhaqanka iyo kan ergada shirka dastuurka uga qeybgaleysa.

“Odayaasha waxaan u dirsanay inay soo qoraan liiska 135 oday iyo liiska ergooyinka ka qeybgalaya shirka dastuuriga laakiin haddii aan si DAACADNIMO ah idiinla hadlo odauyaashu way ku fashilmeen shaqadooda” ayuu yiri Mahiga oo hadal u jeedinayay odayaasha dhaqanka.

Heshiisyadii Garowe iyo Gaalkacyo

Kordhinta baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya loo sameynayo bisha Agoosto 2012 ayaa imaaneysa xilli raysul wasaaraha xukuumadda KMG C/weli Gaas uu dhowaan ka biyo diiday in tirada baarlamaanka la kordhiyo, taasoo aan la ogeyn sida hadda raysul wasaaruhu u aqbali doono kordhinta xubnaha baarlamaanka ee uu ku dhawaaqay Mahiga.

Sida ku xusan heshiiskii Garowe 1Garowe 2 iyo isfahamkii Gaalkacyo ee dhexmaray lixda nin ee saxiixayaasha waxaa la sameyn doonaa baarlamaan ka kooban 225 xubnood halka uu jiri doono aqal labaad oo ka kooban 50 xubnood, laakiin qorshaha heshiiskaasi ayaa hadda isbedel uu ku imaanayaa waxaana kordhi doona tirada baarlamaanka oo noqon doona 275 xubnood, sida uu maanta shaaciyey wakiilka Qaramada Midoobay.

Posted on July 23, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: