Madaxweynaha dowladda KMG oo sheegay inuusan jirin wax la yiraahdo Aala Sheekh, Xildhibaanada cusub waxay awood u leeyihiin in…

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siiyey telefishinka ku hadla afka dowladda KMG ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin wax ka bedelka dastuurka, qorshaha looga baxayo xilliga KMG ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin inuu beeniyay inuu ka mid yahay kooxda Aala-Sheekh.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay dhameystirto xilliga KMG ah oo ay ka harsan tahay 26-maalmood, isagoo sheegay in howsha uu hayo ay tahay mid uu ummadda Soomaaliyeed u hayo, balse aysan jirin koox uu si gaar ah ugu shaqeeyo.

“Runtii waa guul in siyaasiyiinta Soomaalida ay heshiis ku gaaraan in la dhameystiro xilliga KMG uuna dalku yeesho dastuur, dastuurka wax ka bedelkiisa iyo wax ku daristiisa waxaa leh Baarlamaanka soo socda, afarta sano ama shanta ee soo socotana waa laga shaqeyn doonaa illaa uu afti qaran ka gaaro, eedeymaha loo soo jeedinayo saxiixayaashana waa kuwo sal iyo raad aan laheyn oo la been abuuray” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay howlaha harsan ku dhameystiri doonaan muddada yar ee ka harsan xilliga ay shaqeynayso dowladda Soomaaliya ee hadda jirta isagoo xusay inay socoto soo xulidda xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Waxaan rajeynayaa in mudada yar ee harsan lagu dhameystiro howlaha ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG, wax walbana waxay ku qabsoomi doonaan sidii loogu tala galay”.

Dhanka kale madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inuusan jirin xisbi ama koox la yiraahdo Aala-Sheekh oo uu isagu ka tirsan yahay, isagoo xusay inay yihiin wararkaas kuwo been ah oo aan jirin., wuxuuna yiri “Ma jiro xisbi la yiraahdo Aala-Sheekh oo aan ka tirsanahay, waan ku faanayaa inaan ahay ruux ku dhegan diintiisa, waxaa la igu soo barbaariyey diinta Islaamka ee la iguma barbaarin koox, waa jirtaa inaan leeyahay saaxiibo, balse waxaan Madaxweyne u ahay Soomaalida oo dhan, intaana ma soo gaari laheyn haddaan u fakirayo sida ay dadka qaarkood u fekarayaan”.

Posted on July 24, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: