Tarsan: Ninka Doonaya in Muqdisho Laga Bedelo Caasimada Soomaaliya Waa Nin Riyoonaya

Muqdisho (Moment Media Group) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in marnaba aaney suurtagal noqon doonin in meel aan Muqdisho ahayn laga dhigo caasimada dalka cida taasi dooneysana ay ku jirto riyo maalmeed.

Gudoomiye Tarsan oo ka hadlay kulan lagu soo afmeeray barnaamij loogu magacdaray ‘Tiiraanyo bixinta Muqdisho’ laguna soo dhoweynayo ergooyinka imaanaya caasimada ayaa sheegay inuu aad ula yaabay dad Soomaaliyeed, oo haddana masuuliyad sheeganaya inay u ololeynayaan in caasimada Muqdisho la xaqiro meeqaamkeeda.

“Dad baa ku fakaraya in caasimad ay noqinin Muqdisho, waxaan leenahay  ninka Ddonaya in Muqdisho laga bedelo caasimada Soomaaliya waa nin riyoonaya.” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay ka doodeen sababta dastuurka qabyada loogu xusi waayey caasimada hase yeeshee arintaasi ay ka war sugayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aan la heli doonion meel u dhiganta Muqdisho.

“Waa laga hadli karaa caasimada, oo anaku ma lihin lagama hadli karo waa wax laga doodi karo, laakiin xitaa haddii laga hadlo ma jirtaa magaalo u dhiganta oo leh waxa ay Muqdishow leedahay,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Muqdishow waa loo baahan yahay

“Muqdishow iyadaa loo baahan yahay, marka loo eego adeega ay leedahay iyo muhimada dhulka ay ku taallo” ayuu sii raaciyey duqa magaalada Muqdisho.

“Waa magaalo aan cidna kaa xigin gobolkaa rabto ka imaw, waa loo siman yahay.” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inaysan jirin magaalo kale oo maanta dadka Soomaaliyeed u siman yihiin, isagoo sheegay in magaalooyinka qaar dad Soomaaliyeed laga soo tarxiilay.

“Magaalooyin qaar ee Soomaaliya ku yaalla ayaa waxaa dhacday in dad Soomaali ah… waa SOOMAALI in laga soo tarxiilay sidii Sacuudigii” ayuu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mar uu ka hadlay ergooyinka ka imaanaya meelo kala duwan ee ka qeybgalaya shirka dastuurka ayuu sheegay, gudoomiyuhu in dadka reer Muqdisho iyo maamulkaba ay ballanqaadayaan amaankooda iyo dejintooda ayna la kulmi doonaan soo dhoweyn weyn.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuu kaloo sheegay in amniga magaalada uu marayo meeshii ugu fiicneyn qof kasta oo Soomaaliyeedna uu isku halleyn karo caasimada Soomaaliya.

“Annaga dadka ayaa marqaati noo ah wixii aan qabanay iyo sidii aan magaaladan ugu inmaanay markii aan xilka qabanay” ayuu sii raacyey Tarsan oo ka waramay shaqada maamulkiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa u diyaargaroobeysa shirka ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalinta berito ee Arbacada ee ka furmo dugsigii tababarka booliska ee Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] oo ku yaalla degmada Xamar Jajab iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyay.

Posted on July 24, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: