Xulitaankii Baarlamaanaddii ay Soomaaliya soo yeelatay sidey ku yimaadeen? Maxuuse uga bedelnaan karaa kan hadda la soo wado?

July 24, 2012 – Baarlamaanku waxa uu ka qeyb ka yahay sedex awoodood oo maamuladda casriga ahi ay isku dheeli tiraan si aanan qofi ama kooxi aysan kali talis ugu noqonin dal, baarlamaankuna waa midka ugu muhiimsan sedexdaas awoodood, waayo waa midka loogu talo galay inuu ilaaliyo danta dalka kana difaaco si xun u fasirashada qaanuunadda dalku lee yahay. Labada awoodood oo kalena waa midda dowladda iyo midda madaxweynaha.

Marka aynnu u imaanno su’aalaha ciwaanta maqaalkaan, waxaan uga jawaabayaa dhowr nuuc waxaanse rabaa marka hore inaan fiirinno sida ay adduunyadu u doorato ama u xulato dadka u metela golayaashaas, ka dibna waxa aan u soo noqon doonnaa qaabka dalkeenna looga xulan jiray iyo sida hadda nagula wado inaan wax u xullanno.

Wadama qaar ee sheegta inay isticmaalaan qaabka demoqraadiga ayaa ku kala duwan sida ay u doortaaa golahooda shacbiga oo qaar ka mid ah ayaa leh gole la dhaxlo oo aan doorasho ku imaanin, waxaase loo badan yahay in dhamaan ay ku yimaadaan qaabka doorashada, waxayna badanaa xubnahaasi ka yimaadaan xisbiyo kala duwan oo iyagu siyaabo kala duwan u arka sida dalkaas horumarka loo gaarsiin karo. Marka ay soo bandhigaan argatiyadooda ayaa dadweynuhu doortaan qofka ay kalsoonidooda siinayaan iyaga oo aanan wax cabsi ah aanan ka qabin. Xaqiiqdiina way dhacdaa mararka qaarkood in la is qayaameeyo oo weliba lagu kala shubto oo ma jiraan doorashooyin la dhihi karo dhamaantood sidii loogu tala galay ayey u dhaceen oo wax xatooyo ah ma jirin waase la isku dayaa in la xadido si kasta oo ay ku dhici karaan gefegka noocaas ah.

Marka la fiiriyo Soomaaliya lixdameeyadii waxa ay la heyd qaab aanan waxba ka duwaneyn midka aan hadda sheegnay oo waxa uu dalku ku shaqo billaabay qaabkaas aynu ku tilmaanay casriga oo runtii ahaa mid adduunka aan ku nool nahay ku cusub guud ahaan gaar ahaanna ku cusbaa waddamada qaaradda aan ku nool nahay ee Africa. Soomaaliya waxa ay ku jirtay uguna horeysay wadamadii sida fiican uu uga hirgalay qaaskaasi markii uu gumeystihii dalka ka baxay oo Soomaalida ayaa dooratay inay goloha ummadda lagu xulo qaab doorasho iyaga oo ka kala imaanayay xisbiyo ka wada dhisnaa dalka oo dhan mid walbaana uu soo bandhigi jiray qaabka uu rabo inuu dalka ugu shaqeeyo. Waxa uu xisbi kastaaba soo bandhigi jiray qorshahiisa iyo waxa uu ahmiyadda weyn siinaayo, sidaas ayaana dadku ku kala dooran jireen xisbiyadaas. Sida aynnu wada ogsoon nahay waxa uu qaabkaasi noo shaqeeyay in ka yar toban sano walow aannu ku guulaysanay haddii aynu Soomaali nahay inaynu noqonno wadankii ugu horeeyay qaaradda Afrika oo si doorasho ah ku kala bedela madaxda dalka ugu sareysa.

Waxaa noogu xigay xilli aysan soomaaliya laheynba wax gole ummadeed ah oo ay dalka ka talin jireen gole lagu magacaabo golihii sare ee kacaanka, inkastoo sanadihii ugu danbeeyay uu dalku yeeshay gole ummadeed oo aan la dooran balse ku yimaada rabitaankii kaligiis taliyihii Siyaad Barre. Waxaase taas bedelay burbur baahsan oo aanan rabin inaan waqti idiinkaga qaado.

Burbur iyo is qabqabsi dheer ka dib, waxaa sanadkii 2000 lagu soo magacaabay dalka jabuuti baarlamaan sida la sheego ay soo xuleen oday dhaqameedyadu, inkasta oo aysan halkaas ka maqnayn gacantii dagaal oogayaasha, waxaase uu qaabka xulitaanku ahaa mid ka duwan kuwa caalamka laga isticmaalo oo ma jirin shuruudo ku xiran qofka noqonaaya mudanaha golaha ummadda oo aanan ka aheyn inuu u dhashay qolo hebel. Iyada oo weliba waqtigaas la sharciyeeyay tacadigii ugu xumaa taariikhda ummada Soomaaliyeed oo sharci looga dhigay qaab ku saleysan kala sareyn oo dad Soomaaliyeed lagu xukumay inaysan ku xaq aheyn, kuna saami ahayn saamiga ay helaan qolooyinka kale.(4.5)

Waxaa ku soo xigay shirkii Nairobi loogu soo magacaabay Cabdullahi Yuusuf inuu noqdo madaxweyne, waxaana halkaas lagu soo dhisay golo ummadeed oo isagana ay soo xusheen dagaal oogayaasha, kuwoodii ugu tunka weynaa oo la is lahaa waxa ay u taliyaan dalka oo dhan. Baarlamaankaas oo ka koobnaa dhowr boqol ayaa waxaa iyana lagu soo kordhiyay intii in la mid ah markii Sheekh Shariif naloo keenayay, waxaana xushay dadka baarlamaanka lagu soo kordhiyay Sheekh Shariif iyo saaxiibkiisii waagaa Shariif Xasan.

Marka aynnu fiirinno isbedellada dalku soo maray, ma sax baa in maanta la yiraahdo Lix qofood oo lagu magacaabay iney yihiin saxiiyaasha iyo taliyahooda (Mahiga)in ay dalka iyo dadka u xulaan xubnihii ka shaqeyn lahaa danaha dalka oo dhan?

Haddii la rabo in baarlamaanku noqdo mid u taagan danaha ummadda oo aanan ka amar qaadan shaqsi iyo koox gooni ah waa inuu noqdaa mid madax bannaan. Shaqsiyaadka ka mid noqonayana waa in lagu xulaa tayo. Waxaan muddo noo dhisnaa baarlamaanno aan ujeedo iyo ka jeedo laheyn oo weliba maalin walba u socda meesha ay dabeyshu aado, laakiin haddii ay Soomaali maanta xalkeeda rabto waa inay isticmaashaa wax kasta oo xal ahaan loogu soo gudbiyo maadaama aysan maanta xalkoodu iyaga gacanta ugu jirin.

Waxaa laga yaabaa in maanta dad badan oo aan anigu ku jiro aysan raali ka ahey in qaab qabiil wax lagu doorto, waxaase u moodaa haddii qabiil kasta uu fahmo in dantiisu ay la mid tahay danta qabiil kasta oo Soomaaliya ku nool, oo haddii aanan dalka xal loo helin qabiil kastaaba uu weynayo dantiisa, waxaan is lee yahay wax loo qaateen ah ayaa halkaas ka soo bixi kara. Waxaase shardi ah in qabiil kastaahi uu si cadaalad ah oo aan eex iyo musuqmaasuq ku dhisneyn ku soo xulo dadka uu u dirayo difaaca danaha ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa lagama maarmaan ah inaysan soo noqonin dhamaan xubnahii baarlamaanka ku soo jiray oo ay horay u soo xuleen dagaal oogayaasha iyo weliba kuwii ka yimid labada Shariif. Waayo waxaa hubanti ah in aysan aheyn kuwo qaadi kara masuuliyaddaas. Waxaa qasab ku ah dhalinta iyo wax garadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin inaysan dalkooda daawadayaal ka noqonin oo ay si toos ah uga shaqeeyaan danaha dalkooda iyo dadkooda iyagoo maanta ku dadaalaya sidii ay u soo xuli lahaayeen xubno u qalma qaadina kara masuuliyadan balaaran, noqonna lahaa kuwii dalka ka saari lahaa mugdiga uu ku jiro, una soo xuli lahaa madax la dhihi karo waxay la jaan qaadi karaan waqtiga adag, lehna fahan ballaaran oo dalka lagu gaarsiin karo madaxbannaani buuxda.

Waa in lahaa musharixiin dantooda ka hormariya danta shacabka, oo ummadda u shaqeeya oo aanan ka shaqeysan. Oo awood u leh inay nafsadooda xakameeyaan oo aan cabsi looga qabin xatooyada xoolaha dan yarta, oo ay ku filan yihiin wixii ilaahey siiyay, rabase inuu dadkiisa iyo dalkiisa uga tago wax ay ku xasuustaan oo taariiqda gala ilaaheyna uu maalinta qiyaamo uga helo abaalmarin fiican.

Haddii qabiil kasta xuli waayo mudanayaal xalaal quutayaal ah oo fahansan in danta qabiilkiisu ay ku jirto danta Soomaaliyeed, waxaa halis loogu jiraa inaanan laga bixin mugdiga aan gacanteenna isku gelinay, waana in loo fahmaa in mudane baarlamaan aheyn xoolo suuqa jooga oo midkii ku soo hormaraahi uu gato, balse uu yahay masuul lagu amaaneystay masiirkii ummadda laguguna xisaabtami doono waxa aad ku sameyso masuuliyadaas.

——————————-

The first step in blogging is not writing them but reading them.

Posted on July 24, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: