Madaxweynaha Soomaaliya oo isaga baxay shirkii saxiixayaasha Roadmapka

Axad, August 05, 2012 (MMG) – Kadib khilaafaad soo dhex galay madaxda Soomaalida oo maalintii labaad uu Nairobi uga socday shirkii saxiixayaasha Roadmapka, maalin kadib markii ay la kulmeen Hillary Clinton ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka baxay shirka.

Madaxweynaha ayaa u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga.Waxaana warar hoose oo aan ka helnay shirka ay sheegayaan in khilaafku uu ka dhashay arrimaha gudiga soo xulitaanka baarlamaanka cusub iyo cida u matalaysa ururka Ahlu Sunna shirka saxiixayaasha Roadmapka.

Wararku waxay intaa ku darayaan in madaxweynuhu uu dalbaday in gudiga soo xulitaanka baarlamaanka la kala diro, halka arrintaas ay ka biyo diideen qaar kamid ah xubnaha kale ee saxiixayaasha Roadmapka.

Waxaana si caadi ah uga soconaya hotelka Panari ee magaalada Nairobi, kadib markii halkaas uu isaga baxay madaxweynaha shirkii ay lahaayeen madaxda Soomaalidu.

Saxiixayaasha kale ayaa ku adkaystay in shirku sidiisii uu sii socdo kadib markii uu halkaas isaga baxay madaxweynahu.

Waxaana arrintan ay ku soo beegantay maalin kadib markii uu buuq ku dhawaaday gacan ka hadal uu ku dhex maray goobtii ay Hillary Clinton kula kulmaysay madaxda Soomaalida, labo masuul oo kala matalaysay ururka Ahlu Sunna, isla markaana isku qabsaday kursigii loo qoondeeyay ururkaas.

HOOS KA DAAWO SIDII AY SAXIIXAYAASHA ISUGU DHACEEN

Posted on August 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: