Odayaasha Soo Xulaya Xubnaha Baarlamaanka oo Lacg Farqaha loogu Shubay loona Iibiyay Gawaari Qaali ah Leeman Dibada ahna loo balan qaaday

August 6, 2012 -Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed aya axiligan helay Mudnaan ay mudo weysnaayeen iyadoona xiligan Odayaashu loo igmaday aayo katalinta Dalka Soomaaliya ,iyagoona ku guuleestay Ansixinta Dastuurka hadana ku hoolan soo gudbinta Xubnaha Baarlamaanka u matalaya.

Odayaasha matalayay Beelaha Soomaaliyeed loona ifgmaday soo gudbinta Xubnaha u matalaya Beelahooda Baarlamaanka Cusubn ee Soomaaliya ayaa xiligan Hoteelada iyo Guryaha ay daganyihiin waxa ay noqdeen kuwa saxmad badan ay soo buux dhaafiyeen rag iyo Haween doonaya Xildhibaano laga dhigo iyo kuwa la garbinaya.

Odayaasha ayaana helay lacago aad u badan aysan Noloshooda mar qura helin kuwaa ay ka heleen raga loolanka ugu jira in ay noqdaan Xildhibaano kuwaa oo lacago badan ku harqiyay Odayaasha Beelahooda si ay Kursiga u helaan una iibiyay gawaari qurux badan oo qaali ah si ay ugu socdaan.

Raga qaarkood ayaan odayaasha siiyay lacago madaxa ka weyn si ay Mar un kursiga u helaan, iyagoo sidoo kale u balan qaaday in Leeman dibada ah loo qaadi doono Odayaasha hadii ay ka helaan Kuraasta loolanka xoogan loogu jiro.

Waxaa sidoo kale Odayaasha lacago badan ka heleen Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Qaar kamid ah Musharixiinta Jagada madaxweynanimo si ay Odayasha usoo xulaan Xubno ay isfahmi karaan si Xiliga Doorashada codkooda u helaan uguna xisaabtamaan.

Markii aad gaarto guryaha ama Hoteelada Odayaasha kaga suganyihiin Muqdisho ayaad arkayasaa beelo iyo rag badan oo saf ugu jira la kulanka Odayaasha ,Ugaaska iyo Malaaqyada ,iyagoona dadkaasi ay u badanyihiin dad Qurbo jog ah iyo Xildhibaanadii hore uga midka ahaa Dowlada kuwa oo mar kale rajeenaya kusoo laabashada kursiga Baarlamaanka.

Xulitaanka Xubnaha Baarlamaanka ayaa hada gabo gabo ah iyadoona badi la sheegay Odayaasha in ay gudbiyeen Magacyada dadka matalaya Baarlamaanka cusub ,iyadoona Odayaasha dhaqaalaha iyo mudnaanta kaso koow ay jirana rag badan ay iyana ay kala kulmeen Hanjabaadyo hadii aysan kursiga siin.

———————

I love being a writer. What I can’t stand is the paperwork. Prof.Ibrahim

Posted on August 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: