Qodobadii ka soo baxay shirkii saxiiyayaasha qorshaha roadmabka-qaarkood ugu dhamaaday magaalada Nairobi

Fiidnimadii xalay waxaa magaalada Nairobi ugu soo dhamaaday afar ka mid ah saxiixeyaasha roadmabka oo kala ahaa raisul wasaaraha Somalia C/wali Maxamed Cali, gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland.

Shirkan waxaa ka maqnaa madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed oo shalay si lama filaan ah uga baxay iyo xubintii ahlu suna C/qaadir Macalin Nuur oo horey u soo raacay madaxweynaha oo Muqdisho ku soo laabtay.

Madaxweyne Faroole ayaa doonayay inuu magacaabo qaar ka mid ah xildhibaanada khaatumo taasoo ka baxsan heshiisyadii Garowe iyo Gaalkacyo oo qorayey in odayaasha dhaqanku ay soo xulayaan xildhibaanada.Waxaana lagu heshiiyey 5 ka mid ah in xamar laga soo xulo oo odayaasha loo daayo 3da kalena ay yimaadaan Puntlnad.

Waxaa kalo lagu heshiiyey in la dhowra heshiisyadii Garoowe ee 1-2.

In 275 xildhibaan ee la soo xulaayo ay heystaan shahaadada dugsiga sare oo sax ah iyo khibard shaqooyn ay horay u soo qabteen.

In wixii la isku isku qabto ee xulida baarlamanka loo celiyo guddiga xalinta khilaafaadka.

In la soo hor mariyo doorashada gudoomiyaha Baarlamanka dibna loo dhigo tan madaxweynaha.

Saxiixayaashu waxay muujiyeen wal-walka ku aadan Amaanka iyo xornimada degaanka iyo meesha ay ku noolaan lahaayeen kooxaha xalinta khilaafaadka waxaana balan-qaday xafiiska Qarmada midoobay ee u qaabilsan Soomaliya iyagoo la kaashanaya ciidamada AMISOM.

Saxiiyasha waxay kale hor jeesteen istcmaalka laaluushka iyo handada in loo geesto duqoowda soo xuleysa xildhibaanada, qofkii lagu qabto iyadoo isticmaaleysa awood iyo laaluush in la hor keeni doono sharciga.

Gudiga xalinta khilaafaadka waa in uu howshiisa horey uu u wado si xaq ah kuna shaqeeyo hab cadaalad ah oo aan mugdi ku jirin kuna qaabeysan heshiisyadii horay loo galay.

Arinta khilaafka labada madaxweyne ee Galmudug waxaa loo baahan yahay in is aragyo kale laga yeesho, waxaana loo xilsaaray in ay xal u raadiyaan Caalin, Shiikh Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan.

—————–

Writing is a struggle against silence.Prof.Ibrahim

Posted on August 6, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: