16.08.2012 (Moment Media) – Waxaa isa soo taraya cabashooyinka ka imaanaya qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed oo ka biyo diiday sida loo qaybiyay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Beelaha qaar ayaa sheegaya in hal jufo ah ay wada qaadatay xildhibaanadii ay ahayd in si guud loo qaybsado.

Cabashada ugu dambaysay waxaa soo saaray beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamud) oo ku eedaysay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali in kuraastii baarlamaanka ee Majeerteen uu wada siiyay hal jufo ah.

Waxaa ay salaadiinta beesha Reer Maxamuud oo bayaan soo saaray ay dalbadeen in dib loogu noqdo soo xulitaanka xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Suldaan C/rashiid Suldaan Muuse Shire, Ugaas C/xakiim Nuur Faarax iyo xildhibaan C/laahi Aadan Dude oo ku saxiixnaa bayaanka ayaa sheegay in qaabka loo xulay xildhibaanadu ay tahay mid baal marsan cadaalada iyo wax wada qaybsiga beesha.

Buuqa ka dhashay soo xulida xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maahaan mid ku kooban oo kaliya beeshan, balse waxaa maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay cabashooyin badan oo ay jeediyeen qaybo badan oo kamid beelaha Soomaaliyeed.

Waxaana eedaynta loo jeediyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ku soo beegantay xilli qaramada midoobay iyo wadamada beesha caalamku ay uga digeen madaxda Soomaalida inay faragalin ku sameeyaan qaabka loo xulayo xildhibaanada cusub.

Posted on August 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: