Orodyahanada Zamzam Mohamed Faarax oo Hees Wadani ah qaaday iyo Dadka qaarkiis oo xiligaan.. (Daawo muuqaal+Warbixin) !!
16.08.2012 (Moment Media) Arodyahanada Zamzam Mohamed Faarax oo ah Gabadhii ama inantii Qaranka Soomaaliyeed u mataleeysay Tartanka Olympikada Aduunka ayaa waxa ay qaaday Hees Miraha saaran laga dheehan karo Wadaniyad balaaran.
Inantaan oo Taageero weeyn ka heeysata bulsho weeynta Soomaaliyeed waxeey Heesta ku sheegtay inay marnaba Dhulkeeda ka dhoofi doonin oo waliba ay ka dhicin doonto Cadawga iwm.
Qaar ka tirsan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada ayaa durbadiiba waxeey bilaabeen Mucaaradnimo aanan qarsooneeyn oo ay la daba kaceen Zamzam Mohamed Faarax waxeeyna leeyihiin sidatan ” Dhulkeena maxaad u Heestaa oo Difaacdaa soo taa Zamzameey is Dhiibtay ”
Dadka Soomaaliyeed waxaa ku jira qaar qofka daba dhigta marka uu qalad yar sameeyo balse ma fiiriyaan wanaaga kale ee uu qofkaas horay u soo qabtay ama u galay dadka iyo dalka.
Posted on August 16, 2012, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.
Leave a comment
Comments 0